Madaxweynaha dalka Uganda oo ku baaqay in dagaal lala galo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka horjeeda Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo hadal ka jeediyay shirka Madaxda Midowga Afrika maanta uga furmay Magaalada Kampala ee xarunta dalkiisa ayaa ku baaqay in dagaal wadajir ah lala galo Islaamiyiinta ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Museveni wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in caalamka iyo Midowga Afrika ay isku kaashadaan sidii cagta loo marin lahaa Xarrakatul Shabaab oo dhawaan sheegatay maa’uuliyada qaraxyo ka dhacay Magaalada Kampala oo dilay 74-qof.

“Waxaan ka codsnayaa Madaxda Afrika inay igala qaybgalaan dagaal aan doonayo inaan cagta ku mariyo Xarraakatul Shabaab” ayuu Museveni ka sheegay shirka Madaxda Afrika, isagoo dalbaday in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya tiradooda la kordhiyo.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho (AMISOM) ayaa intooda badan waxay ka socdaan dalka Uganda, waxaana dhawaan saraakiil u hadlayd dalkaas ay sheegeen inay ciidamo kale oo dheeraad ah u dirayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda wuxuu sidoo kale ka dalbaday Madaxda Midowga Afrika in xilliga shaqo ee AMISOM la kordhiyo, isagoo sheegay in qaraxyadii ka dhacay dalka Kampala ay ahaayeen kuwo laga naxo, kooxihii geystayna laga masaxo Afrika oo dhan, isagoo xusa in tiro ka mid ah dadkii fuliyay qaraxyada gacanta lagu hayo.

Dalka Uganda waxaa ku sugan Madaxda dalalka ay ka kooban tahay Qaaradda Afrika, kuwaasoo ka qaybgalaya shirka Midowga Afrika, waxaana ajandahooda ugu horreeya ee ay ka doodayaan ay ka dhigeen arrimaha Soomaaliya.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s