Madaxweyne Sh.Shariif oo xalay Roma kula kulmay Wasirka arimaha dibada Talyaaniga.

Madaxweynaha DKMG Somaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa xalay Magaalada Roma kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Talyaaniga kaasi oo looga hadlay iskaashiga iyo xariirka labada Dal. 

Kulanka Madaxweeyne Sheekh Shariif iyo wasiirka Arimaha Dibada Talyaaniga Faranko Faratiino ayaa diirada lagu saaray sidii Dowlada Talyaanigu ay dowlada Soomaaliya uga caawin laheyd arimo ay ka mid yihiin ammaanka,dhaqaalaha iyo dib u habeeynta hey’adaha Dowlada, waxaana kulankaasi ku soo dhamaaday jawi is afgarad leh.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga ahna wakiilka Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif uu la kulmi doono Madaxweynaha Talyaaniga Jorj Nabulitano, iyagoo ka wada hadli doono xiriirka labada dal iyo sidii dowlada talyaanigu ay taageero u siin laheyd Dowlada KMG ah.

Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa la filayaa mudada uu joogo dalka Talyaaniga in uu la kulmo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Talyaaniga.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s