BOOSAASO! Magaalo aan loo hagarbixin!W/Q Jaabir Xuseen Gacayte

 Hordhac

 sida aan lawada socono waxaa magaalada gacansiga ee xudunta u ah dhaqaalaha dawlad goboleedka Puntland ee Boosaaso, kuso kordhay kuna sii badanaaya dilalka qorshaysan, qaraxyada iyo amni la’aanta

baahsan.Waxaa beelaha walaal ah ee gobolka Bari la dhexdhigay shabaag iyo lacaafteed taas oo loo aanaynayo maamulka inuu qayb wayn ka yahay.
Hadaba hadii laga waayay maamulka wixii loo igmaday oo ay ugu weynayd amniga, waxqabadka mashaariicda dalka, waxqaybsi cadaalad ku dhisan iyo nidaam cadaalad ah.Waxaa laga filaayey dowlada dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida ganacsadaha,xamaaliga, barakacayaasha iyo dadka danyartaahba ay u siman yihiin qarsoonka. Waxaa cajiiba oo aan aad ula yaabay sababaha khalkhalka iyo jahwareerka geliyey garsoorka degmada Boosaaso? Maxaa keenay in xilkaas qofka loo magacaabo uu iska casilo ama uu naftiisa ku waayo?
Jahwareerka, nabadgelya xumada iyo hagrashada boosaaso ayaan maqaalkan kaga faaloon doonaa.
 
Jahwareerka Ma islaamkaa keenay?
 
Waxaa aad cajiib u ah in dal iyo dad islaam ah laga yagleelo nidaam ah la dagaalanka argagixisada. Iyadoo argagixiso lagu fasiray dadka yiraahda ama u ololeeya in kitaabka rabi wax lagu xukumo.Fisiraada noocaas ah waxaa kasoo horjeeda inta badan dadka deegaanka gobolka Bari. Balse dadka gobolka bari waa isku raacsan yihiin in aaney marnaba ogolaan in deegaankooda laga abuuro carqalad iyo nabadgelyo xumo.Waxaa dhacday in boosaaso ay noqoto meesha keliya ee deegaanada puntland ee aan si xor ah loogu tukan karin maqrib iyo cishe masaajidada, lana beegsado dadka kusoo cibaa daysta masaajidaa siiba salaadaha,Haddaba tan waxaa loo fasiran karaa inuu jiro nidaam looga soo horjeedo inay dadku ku tukan masaajida, maxay maamulku uga hadli waayeen, maxay shuyuukhdu uga hadli waayeen, maxay isimadu uga hadli waayeen, maxay shacabku uga hadli waayeen, maxaa loo waayay warbaahinta Boosaaso oo ka hadlaysa arinkaa. Hadaba nin salaadii loo diiday ama aan ka hadli karin inuu salaada kusoo tukado guriga Allaaaah, muxuu yahay argagixisada uula dagaalamayo oo loo samay nayo garsoorka u gaarka ah!!!
Islaamku waa diin suuban qaladna ma leh!

yaamudan in laladagaalamo ma ninka dadka salaada u diiday mise kan faraya!?

 
Dilalka qorshaysan

Nin afka soo duubtay baa diley waa sheekooyin kasoo yeeri jirey dhinaca koonfureed ee soomaaliya balse ma ahayn wax ka dhaca deegaanada puntland. Damiirkuse nooma saamixi jirin inaan ku dayano ama aan qaadano nidaamkaa. Waa ay  jirtey in burburkii soo kordhiyey hubka oo gacanta u galay dadwaynaha taas oo loo aanayyo inay keentay dawlad dhexe ama maamul lagu kalsoon yahay oo aay jirin, dadkuna ay hubkooda ku difaacaan maalkooda, naftooda iyo dantooda guud.
 laakiin waxaa jiray qaab loo xakameeyo hubka ku jira dadka gacantooda oo waxaa masuul ka ahaa cuqaasha iyo wax garadka dadka, way jirtay inay dhacaan dilal aano ama xabad kaga fikatay balse markiiba waa la xalin jiray arinkaa. waxaa kaloo jirtay inay dagaalamaan laba qabiil oo isku dagaana,walaalana ah laakiin ma ayjirin inay sii dheeraato xurguftaasi oo waxaa markiiba kala dhexgali jiray qabaa’iilka kale wax garadkooda. Hadda waxaad moodaa  in arinkaasi ka baxay meesha oo waxaad maqlaysaa maamulka ayaa dhexgalay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay halkaas, mana jiraan ilaa iyo wax natiijo ah oo kasoo baxay. War kumanaankii sano ee aynu soo jirnay ma maamul ayaa inoo dhamayn jiray dhibkeena,! waxaase is weydiin mudan Siyaasi goormuu noqday nabadoon, hadiise siyaasi nabadoon yahay Soomali maxay labaatan sano u heshiin wayday!!!!
 
Boosaaso waa la hagraday!

Magaalada boosaaso waxaa halkaa dhigay maanta waa ehel la’aanta oo aanay haysan magaaladu cuqaal u dhalatay. ganacsato u dhalahay, siyaasiyiin u dhalatay, dhalainyaro u dhalatay iyo dhamaan qaybaha bulsha oo aanay ku jirin wax boosaaso u daqmanaya. Majiraan qabaa’ilada loo yaqaan reer bari oo leh shabakad ayku midaysan yihiin ujeedkuna yahay waxqabadka deegan kooda, majiraan dad hindiso dheer leh oo ku haminaya inay huru mariyaan deegaanka siiba magaalada Boosaaso. Ma waxay isleeyihiin dadku Boosaaso hadaad wax u qabataan dad kale ayaa sheeganaya hadhaw. Waxaanse aad ula yaabay ninka Galgala ka yimi Boosaaso haduu wax u qabto muusan lahayn isagu, ninka Qandala kayimi boosaaso haduu wax uqabto miyuusan lahayn isagu, ninka ufayn ka yimi boosaaso haduu wax u qabto muusan lahayn isagu, Ninka sheeganaya inuu Boosaaso isagu deegaan ahaan kasoo jeedo inuu la midoobo dadka kale ee gobolka bari kasoo jeeda oo uu waxla qabsado maxaa udiiday.Miyaaneyse habooneyn in la sameeyo urur u dooda,isku xidha, kana shaqeeya horumarka gobolka bari. Ururkaas waxaa loo bixin karaa ururka horumarinta gobolka bari? suąasha kale ee isweydiinta mudan waxaa weeyaan: Maxay dadka kasoo jeeda gobolka bari u fiirsanayaan magaaladoodii oo halcaysa. Maxaa ka hortaagan iney caasimadooda badbaadiyaan? Maxaa ka hortaagan iney maamulka la xisaabtamaan dhinac walba?
Waxbadan baa qaldane, reer boosaaso iyo dhamaan dadweynaha gobolka bari waa iney maankooda dib ugu noqdaan, ayna ka fekeraan arimahan soo socda:
 
. Maxaa kalifay in dilalka iyo qaraxyada ugu badan ee puntland ay ka dhacaan xarunta ganacsiga ee Boosaaso?
. Maxaa kalifanay inaan la helin dadka dhibka geysta?
. Maxaa kalifay in Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga aan wax qorshe horumarineed loo haynin?
 
Caasimadaha gobolada kale ee Puntland kama dhacaan dilka iyo qaraxa boosaaso ka dhaca.
Haddii wax yari dhacaana maamulka puntland dadaal dheeraad ah buu sameeya si wax looga qabto dhibtaas. Balse waxaan dhihi karaa Garoowe, Qardho iyo Gaalkacyo waxaa ka socdaa horumar xagga caafimaadka, dhismaha iyo waxbarashada ah.waadla socotaan wasaarada caafimadka wasiirka loo magcaabay wuxuu u dhexeeyaa oo kaliya Garoowe iyo Gaalkacayo halka boosaaso ay weli sugeyso maamul ka naxa oo daryeela. Boosaaso xaqii, mudnaantii iyo mansabkii ay mudnayd maamulka Puntland ma siin. Miyaaney habooneyn in dadka reer Boosaaso iyo guud ahaan degaanka gobolka bari ay sida u dhamaan caasimadooda. Waxaan rajeynayaa iney howshaas u istagaan ayna ku heesaan mid la mid ah heesta caanka ah ee ay reer Bosniya ku heeseen kolkii caasumadoodii Saarayeefo la baabi ģyey. Waxaa ku halqabsadeen: Saarayeefooy, saarayeefooy, garaadoy mooy!
oo macnaheedu yahay saarayeefooy, saarajeefooy, magaaladaydiiyeey! magaaladaydiiyeey!
Haddaba miyaaney gudboonayn in la yiraahdo:
                         Boosaasooy, Boosaasooy, garaadooy mooy!! laakiin dadkaasi goormay Bosaso usoo ka cayaan ???!!!
 
   Mahadsanidin
Geedka dhamasa hoostiisa
Jaabir Xuseen Gacayte
cityhida@hotmail.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s