Yeey Dani ugu jirtaa In Laga hortago lacagaha Beenabuurka ah W/Q Cabdixakiim Jaamac Jooje

Talo iyo baraarujin ku socota dadka reer Puntland.Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.

Dunidan aynu ku noolnahay maalin walbaa ummaddu waxa ay sameysaa horumar iyo ka ambaqaadid hadba heerka la joogo, waxayna taas ku gaartaa iskuduubni, isku kalsoonaan, waddaniyad iyo maamulka hadba meesha ka jira oo loo hogaansamo. Horumarku sidiisaba waxa uu ka yimaadaa bulshada dhexdeeda, oo haddii aad aragto ummad hormartay waa mid ay iyagu diyaar u yihiin kana shaqeeyeen. Sidoo kale haddii aad aragto ummad uu ku yimid dib udhac waa wax ay iyagu isugu wacan yihiin. Aqoon kastoo la yeesho ama dhaqaale kastoo aad kasbato haddii aadan diyaar u aheyn in aad horumar sameyso marna horukac ma sameynaysid.

Sida aynu la socono Puntland waxaa la asaasay 1998dii, marba heer bay joogtay Allaah ka soke dadka reer Puntland waxa ay isku dayeen in ay dhulkoodii ay dib ugu soo noqdeen ayna dhisteen, taasoo keentay in ay dhulkoodii ay camirtaan dhaqaale baddan iyo maaligalinba ku sameystaan. Maamulka puntland waxaa uu faa’ideeyay waxa ay aheyd in uu sameeyo sharcigii iyo kala danbeyntii. Maamuladii xukunka isaga danbeeyay kooxba wax bay ku wanaagsaneyd, sidoo kalana dhaliilahooda waa ay iska lahaayeen. Laakiin mar walbaa waxaa maqnayd kaalinta shicibka oo ay ku baddan tahay waxa la yiraahdo kali socodka ama individualismka taasoo ayan marna eegayn waxa ay ku qabaan dowladda ama maamulka markaa jira. Haddii aan si kale u qoro waxa dadkeena ku yar waxa la yiraahdo wadaniyadda oo kumaba jirto han ah in ay maamulkooda garab istaagaan oo ay ka shaqeeyaan sidii uu u hormari lahaa.

Maamulkan hadda ka arimiya Puntland arinta ugu weyn ee lagu amaano waxa ay tahay in uu si wanaagsan wax uga qabtay dhaqaalaha Puntland, taasoo ay si wanaagsan u maareeyeen dhaqaalaha puntland oo ay la dagaalameen lacagihii sida qaldan loo isticmaali jiray, sidoo kale waxa ay fariisiyeen lacagihi sarifka dollarka oo illaa iyo intay qabsadeen in uu sarifka hoos u dhaco mooyee marna ma kicin, waxaa kaloo ay ku guuleysteen in ay si joogto ah u bixiyaan mushaharaadkii shaqaalaha, waxaa kaloo ay la dagaalameen sare u kaca maciishada joogtada ah. Waa ay jiraan arimo baddan oo lagu dhaliilo sida dilalka qorsheysan ee ka dhaca Puntland oo ay wax ka qaban kari waayeeyn, laakiin mowduuca aan imminka ka hadleyno ayaa ku saabsan dhaqaale.

Haddaba iyadoo uu maamulku ku guuleystay wax ka qabashada dhaqaalaha iyo maaliyadda Puntland ayaa haddana waxa imminka soo food saartay Puntland in lasoo galiyo lacago beenabuur ah oo laga keenay Muqudisho. Haddaba lacagahaas sidee ayeey saameyn ugu yeelan karaan deegaanada Puntland. Lacagahan been abuurka ah haddii aan leyska qaban oo ay soo gasho puntland waxaa ay reebaysaa saameyn aad iyo aad u xoog baddan sida maciishadda oo cirka isku shareerta,hantida dadka oo dad kale gacanta u gasha, lacgaihii sarifka oo isbadbadal xoogan ku yimaada, dad cusub oo aan horey dhaqaale u laheyn oo uu gacantooda ku wareegto dhaqaalihii dalka, mushaharaadka shaqaalaha hadda la siiyo oo aan waxba goyn kari doonin iyo waliba lacagtaas oo mar hadii la isticmaalo ay inta kalena waddo u noqon doonto in ay soo galaan Puntland.

Lacagtaas been abuurka ah  waxaa wanaagsaneyd markii ay soo gaartay airporka Gaalkacayo in markiiba uu maamulku dib ugu celiyo diyaaraddii siday, haddii ay sidaas dhici weyday in la fuliyo go’aanklii ganacsatada iyo culimada reer Gaalkacayo ee ahaa in lacagtaas la gubo iyadana ma dhicin, waxaa kaloo uu maamulku sameyn karey in uu ka qaado airporka Gaalkacayo oo meel ay dowladdu ogtahay lacagtaas la dhigo. Nasiib daro intaba ma dhicin oo lacagti waalaga saaray airporka oo waxa ay gacanta u gashay niman burcad ah ama shaqsiyaad kaleba.

Haddaba waxa aan kula talinayaa dhammaan dadka reer Puntland iyo maamulkaba in lacagtaas isku meel looga soo wada jeesto oo dadka loo sheego in ay dagaal cad uga hortagaan oo la joojiyo isticmaalkeeda, dadka loo sheego in lacagtaas ay xaaraan tahay xoolahoodana lagu dhacayo. Sidoo kale maamulku uu adeegsado tab iyo xeelada lacagahaa looga soo xireynayo magaalooyinka ay galeen. Waxaa kaloo muhiim ah in uu maamulku tallaabo cad ka qaado shaqsiyaadkii airporka ka howgalayey xilligii lacagta lala baxayey.

Haddii dadka reer puntland iyagoo isku duuban ay arintaas ka horyimaadaan waxaan qabaa in ay horumar wanaagsan gaarayaan iskana qabanayaa dadkaas u bareeray in ay xoolahood dhacaan. Waxaa kaloo muhiim ah in maamulka hadda jira lala shaqeeyo oo wax alla wixii wanaag ah ay qabanayaan lagu taageero. Sidoo kale dowladdu waa shacabka ee haddii aadan iska qaban kan kugu hoos jira oo wax dilaya ama wax qarxinaya ogow waligaa adigan meeshaada iyo meel kasii liidata ayaad taagnaaneysaa oo wax horumar ah oo aad sameynaysaa ma jirayso.

Waxaan hadlkayga ku soo gabagabeynayaa in aynu ka hortago lacagahaas beenabuurka ah innaga oo dhan ayeey dan noogu wada jirtaa oo maamulku dhaqaalihii uu ka shaqeynayey sidii uu fadhiisanin lahaa ayeey meel kadhac weyn u tahay , sidoo kale dadweyynaha lacaghodi ayaa si burcadnimo ah loo dhacayaa oo danyarti waxaa lagu kicinayaa maciishada, haddaba innaga oo dhan waa in aynu arintaas ka dagaalnaa oo iska qaban burcadda doonaysaa in ay xoolaheena dhacaan ee xaaraan quudatada ah.,

Qalinkii: – Cabdixakiim  Jaamac Jooje

Social Development Adviser

( Leicester UK )

Leave a comment

Filed under MAQAALO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s