Madaxweyne Sh.Sharif oo soo gebagebeeyay booqashadi Masar isagoo u gudbay Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Camar Muusa kaasi oo looga hadlay Arimaha Dalka Somalia iyo doorka Jaamacada Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyada  Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu hogaaminayay  oo booqasho ku joogay magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa waxaa ay kulamo la qaateen Xoghayaha Jaamacada Carab Camar Muuse,  iyagoo kala Hadlay arimo fara badan oo quseeya Soomaaliya iyo sidii wadamada Carabta door muhiim ah ay ugu qaadan lahaayeen xaaladaha Cakiran ee Dalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada Arimha Dibada Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Yuusuf Dheeg ayaa Radio Muqdisho faahfaahin ka siiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweyne Sheekh Shariif Shekh Axmed iyo Xoghayaha Jaamacada Carabta Camar Muusa.

Yuusuf dheeg  wasiirka Arimha dibada ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in kulankii shaley ay wada qaateen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo dhigiisa Masar Xusni Mubaarak iyo kulankii uu xaley la qaatay Camar Muusa  ay wax weyn ku soo kordhin karto Xaalada Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif Axmed iyo Wafdigiisa ayaa soo gaba gabeeyey booqashidii labada maalin ahayd oo ay ku joogeen Dalka Masar iyadoo wada hadaladii ay la yeeheen Masuuliyiinta  dowlada Masar iyo Jaamacada carabta ay ku soo dhamaadeen jawi isfaham leh.

Maxaweynaha ayaa waxaa uu ku wajanyahay wadanka Taliyaaniga isagoo caawa kulan la qaadan doona Wasiirka Arimaha Dibada ee taliyaaniga faranko Faratiino iyo Madweynaha Wadankaasi Joorj Nabulitaano oo uu beri la kulmi doono waxay ka wada hali doonaan arimo quseeyo Xiriirka labada Dal wax ka qabashada xaaladha Amniga Soomaaliya dib u habeynta Hay’adaha Dowlada’

Madaxweyne Sheekh Shariif Axmed  ayaa hore Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kulamo kula qaatey safiirka Taliyaaniga u fadhiya magaalada Nairobi Isagoona kala Hadley Sidii wadankaasi uga qeyb qaadan lahaay nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s