hawlagal balaaran oo ay sameeyeen ciidamada amaanka ee magaalada boosaaso‏

Ciidamada Booliiska ee gobolka Bari ayaa saaka qaaday hawlgal aad u ballaaran oo ay ka fuliyeen dhamaanba xaafadaha magaalada Bossaso kaasi lagu soo qabqabtay boqolaal ruux oo dhallinyaro, oo looga shakisan yahay ku lug lahaayeen faldambiyeedyo taxane ahaa oo dhawaanahanba ka dhacayey magaalada Bossaso.
Dadkaan oo dhammaantoodba ah dhallinyaro rag ah ayaa isugu jira dadka deegaanka iyo kuwa aan aheyn waxaana la isugu geeyey saldhigyada ciidanka ee magaalada Bossaso.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ee fulinaya hawlgalkaan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in tani tahay natiijada ka dhalatay falal ammaan xumo ah oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey magaalada Bossaso.
Wuxuuna intaasi ku daray in dadkaan la baarayo ciddii dambi lagu waayana la sii deyn doono ciddii lagu helana in mudan doonto jawaabta ku habboon, laakiin mas’uuliyiinta hawshaan wadda waa ay diideen inay ka hadlaan.

dad badan oo boosaaso ku dhaqan ayaa hawlgalka ciidamada amaanku sameeyeen ku tilmaamay kuwo la filayey maadaamada boosaaso maalmihii u dambeeyey ay la soo darseen falal amaan xumo. .

cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com

bosaaso

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s