Wasaarada arimaha dibada ee maraykanka oo soosaartay warbixin ku’aadan kaganacsiga dadka tahriibka iyo askaraynta caruurta‏

Wasaarada arimaha dibada ee maraykanka oo soosaartay warbixin ku’aadan kagacsiga dadka tahriibka iyo askaraynta caruurta

Marka laga hadlayo kaganacsiga iyo tahriibinta dadka, Somalia waa goob sigaar ah isha loogu hayo sanadkii sideedaad ee isku xiga, ka ariminta dhulka Somalia waxa uu uqaybsamaa maamulka gooni isu taaga kudhawaaqay ee Somali-land dawlad goboleedka Puntland iyo inta soohartay ee somalia ee barramaha iyo koonfurta oo ay magac ahaan ay kataliso DFKG ee Somalia

Somalia malaha xiligan dawlad dhexe oo sifiican ushaqaysa taasi oo qaadi karta masuuliyada wax kaqabashada dhibaatada kaganacsiga iyo tahriibinta dadka,

mudadii warbixintan ladiyaarinayey dagaalo udhexeeya ciidamada DFKG ee Somalia, maleeshiyaadyo isu tagay iyo ciidamada midowga Africa oo isxulufsanaya oo ladagaalamaya kooxo xagjir ah iyo kuwa mayalkoodu fogaaday ayaaa kasoconayeyy gudaha Somalia

DFKG ee Somalia waa mid ay dhibaato kuhayso badbaadinta iyo nabad uhelida wakiiladeeda iyo kanabad galida weeraro uga imanaya dhinaycada ay kuladagaalamayso sababo laxiriira amaan daradan kasoonaysa gudaha wadanka ayey dawladu kuguul daraysatay in ay wax kaqabatao dhibaatada kagacsiga iyo tahriibinta dadka ee sharci darada ah  intasi waxaa dheer DFKG ee xiligan jirta mahaysato dhamaanba waxyaalaha ay ubaahan tahay si ay ucadayso, ubaarto waxna uga qabato arimo badan oo kajira Somalia oo ay kujiran kuwa laxiira dadka shaqada lagu qasbo iyo haweenka lagu kalifo in ay jirkooda kaganacsadaan

Lamana rajaynayo in wax iskabadalaan awooda dawlada ee ku’aadan wax kaqabashada kagacnacsiga dadka ilaa horumar lataaban karo laga gaaro dib uudhiska dawladnimada iyo xasiloonida somalia

Hadaba intee bay le’eg tahay baaxada kaganacsiga dadka

Tahriibta iyo kaganacsiga dadka ee Somalia waa mid kubaahsan guud ahaan Somalia waxana jira cadaymo muujinaya in kuwa dadka kagacsada iyo kuwa dadka tahriibiya ay labaduba isticmaalaan isku hal shabakad waxaana suuqayada magaalooyinka qaarkood ee Somalia lagu arkaa kooxaha wax tahriibaya oo dad isugu jira haween iyo caruur badankoodu kayimid bartamaha iyo koonfurta Somalia kuqalqaalinaya in ay tahriibaan iyagoo ubalan qaadaya in ay dalalka dibada kahelayaan shhaqooyin wanaagsan oo lacag badana ay kaheli karaan

Hayado shaqaalaynta qaabilsan wallow aan sifiican taasi looxaqiijin ayaaa kujira barnaamijka kaganacsiga dadka iyagoo bartimaameedsada dadka iyagu markooda hore doonaya in ay gaaraan dalalka gacanka cadmeed haweenka somaliyeed ayaa lootahriibiyaa dalalka gacanka cadmeed, Syria sudan iyo koofur afirca iyadoo marka halkaasi lageeyana lagu qasbo in ay jirkooda kaganacsadaan

Sanadii 2009 waxaa jiray warbixino kale oo sheegaya in haween badan oo somaliyeed ay bilaabeen in ay jirkoda kaganaccsadaan kadib markii kooxo tahriibinayey oo doonayey in ay geeyaan Libya ay uga tageen inta udhaxaysa Libya iyo sudan

Raga somaliyeed waxaa lagu qasbaa in ay kashaqeeyaan xoolo raacis iyo beero faagis iyagoon raali ka’ahayn haseyeeshee duruuftku kukaliftay marrka ay tagaan dalalka gacanka cadmeed

Maaha haweenka iyo raga somaliyeed oo kaliya ee caruurta somaliyeed ayaa iyaga laftigooda lootahriibayaa dalka sucuudi Arabia iyagoo kadibna halkaasi katuugsada qurbo joogta somaliyeed ayaa iyaguna adeegsada habkasta oo ay kuqaadi karaan qaraabadooda jooga Somalia sida ay sameeyaan guur been abuur ah si ay qaraabadooda ugu qaadaan qaarada yurub

Haweenka ethopianka ah ayaa iyagana latahriibayaa dalalka carbeed iyagoo lasiimarinayo Somalia halkaasi oo ay kuqasban yihiin in ay jaariyado noqdaan amaba jirkooda kaganacsadaan

Askaraynta caruurta oo ay shaqaalaysanayaan dhinaycada kala duwan ee somalaia kudagaalamaya waa arin mudabada kazoo taagnayd Somalia waana arin xiligan kajirta Somalia ayaa lagu yiri warbixinta ay soosaartay wasaarada arirmaha dibada ee maraykanka

Warbixin ay qaramada midoobay soosaartay Bishii janauury ee sanadan 2010 ayaa lagu sheeegay in askaraynta caruurtu ay kor ukacday iyadoo caruur tiro badan dhinacyada dagaalamaya ay kaqoreen shcoolada madarasooyinka diniga ah iyo caruura wadooyinka kunool

Inkasta oo DFKG ee Somalia aanay iyadu siweyn ugu dheeraynta arinta askaraysiga caruurta marka loofiiriyo kooxaha kale ee hubaysan ee gudaha dalka k usugan laakiin hadana hadana waxaa jira kooxo iyo maleeshiyaad xulufo la’ah dawlada oo siweyn u’askaraysta caruurta 18sano kayar iyadoo been usheegaya amamba arintaasi kuqasbaya

Shaqsiyaad sheeganaya in ay DFKG ee Somalia matalayaan iyaguna caruur kaqortay xarooyinka qaxootiga somalida ee gobolka waqooyi bar Kenya iyo Kenya gudaheedaba majirto waxa xog ah oo lahelay oo kusaabsan in maamulada Puntland iyo Somaliland ay caruur askarasytaan mudadii 1sano ahayd ee xog ururintan lasamaynayey

Mudadii 1sano ahayd ee warbixintan la’uruurinayey ururada Alshabaab iyo xisbul islaam iyo kooxo kale oo hubaysan waxay shaqaalayysteen caruur tiro badan oo agoon iyo caruurta wadooyinka isugu jirta iyagoo u’adeegsanaya xoog iyo khayaano si ay uga qayb qaataan dagaalada ufuliyaan dilal qorshaysn una , aasaan bambooyinka qarxa

Alshabaab waxay sixoog ah caruur dadoodu  aanay kawaynayn 8sano uga qoratay bartamaha iyo koonfurta Somalia ayaa lagu yiri warbgixinta ay soosartay wasaarada arimaha dibada ee maraykanka ururka alshabaab waxa uu waajib kaga dhigay caruurta dadoodu kawayn tahay 15sano in ay dagaalamaan geeridana ogolaadan kooxda alshabaab waxay sidoo kale qoratay gabdho badan kuwaasi oo qaybtood ay guursadeen hogamiyayaasha ururkaasi  kuwo kalena loo adeegsadayy taageero dhinaca farsamada ah iyo in ay sirdoon ahaan ushaqeeyaan oo xog soo ururiyaan sida lagu tilmaamay warbixintan ay soosaartay wasaarada arimaha dibada ee maraykanka

Warbixinta waxaa lagu sheegay in bishii febreuaryy ee sanadan 2010 wadaadka looyaqaano xassan turki uu 100gabdhood oo dadoodu udhaxayso 14-18sano kaqortayy degamada afmadoow ee gobolka jubada hoose si ay maleeshiyaadkiisa ugu biiraan, alshabaab waxay sidoo kale caruur kaqoratay xeryaha qaxootiga somaliada ee dalka Kenya iyo xaafada isilii ee somalidu kadagto magaalada Nairobi

Warbixinta waxa lagu sheegayy in saddexda qaybood ee Somalia ay kakooban tahay Puntland Somali-land iyo barmaha iyo koonfurta Somalia  aanuu minda kajirin sharciyo cadcad oo lagu mamnuucaya tahriibta iyo shaqada laysku qasbo

Haseyeeeshee sanadihii ugu danbeeyeyey maamulada Puntland iyo Somaliland waxay sameeyeen dadaallo ay kuxirxireen maxkamadna kusoo taageen dad badan oo ku’eedaysnaa tahriib iyo kaganacsiga dadka, kuwo badan oo ddadkaasi kamid ah ayaa lasiidaayey kadib markii loowaayey cadaymo kufilin in danbiga tahriibgta ay galeen

Danbiga laxiriira kufsiga ayaaa isaga inta badan lagu xaliyaa habka dhaqanka ee beelaha dhexdoodu ay dajisteen waxaana hanta xaal marin ah oo geel amaba ari noqon karta lasiiyyaa qoyska gabadha dhibanaha ah kadhalatay

Maamulka Somaliland waxa uu wadashaqayn lasameeyey hayada IOM mudadi ururinta warbixinta iyadoo warbaahinta laga siidayayey fariimo dadka lagaga wacyiygalinayo tahriibinta iyo kaganacsiga dadka waxaa sidoo kale laqabtay kulamo qaybaha bulshada lalayeeshay oo laxiriira tahriibinta iyo kaganacsiga dadka

Hayada IOM waxsay sidoo kale magaalada xadka kutaala ee togwajaale kadhistay 1qol iyo gudi kashaqeeya caawinaada dhibanayaasha tahhriibinta dadka

Mudadii xog ururintan lasamaynayey ciidamada DFKG ee Somalia waxay kor uqaadeen sharciyadooda dhinaca askaraysiga dhamaan askartii lagu sootababaray dalalka jabouti iyo Uganda waxay ahaayeen kuwa qaan gaar ahh iyadoo laga reebay kuwa loo arkayy in aanayy qaan gaar ahayn ayaa lagu yiri warbixintan

Bishii june ee sanadii 2009 madaxweyne sharif waxa uu sifuran hogaanka alshabaab ugu canbaareyey askaraysiga caruurta bishii may ee sanadii 2009 policeka dawladu waxya qabteen 14caruur ahh kuwaasi oo ay askaraysatayy alshabaab lagana keenay gobolka shabeleelada hoose laguna qasbay in ay maleeshiyaadkooda kaqayb galaan policeka ayaa caruurtaasi siidayay kadib markii dhowr maalmood laxanaanaynayyey

Bishii march ee sanadii 2010 policka DFKG ayaa qabtay gaari ay lasocdeen 30caruur ah oo markaasi ay askar ahaan uqorteen ururka alshabaab kaasi oo marayey inta udhaxaysa muqdisho iyo afgooye ciidamada policeka ayaa caruurtaasi uqaaday xafiiska talyaha policeka ee muqdisho waxaana caruurtaasi lasiiyey cunto iyadoo kadibna looyeeray warbaahinta si ay waalidiintii caruurtasi dhalah ay caruurtooda ugu yimaadaan kadib marka ay saxaafada ayaa lagu sheegayy warbixintan

Maaamulada kajira Somalia waxay sameeyeen dadaalo aan buurnayn oo ay wax kaga qaanayaan tahriibta iyo kaganacsiga dadka haseyeeshee qayb kasta oo kajirta Somalia waxa kajira awood daro ku’aadna in dhab ah wax looga qabto mushkiladan saraakiisha DFKG ee Somalia waa ay qirsan yihiin in tahriibta iyo kaganacsiga dadku ay tahay dhibaato hasyeeshee waxayy sheegayaain in aanay ahayn arin xiligan muhiimad weyn iyaga ugu fadhida

Somali waa bar ay isugu yimaadaan dadka tahriib doonka ah waxaa laga dhoofiiyaa haweenka iyo raga doonayaa in ay tahriibaan bulshada soomaliyeedna tahriibta dhibaaato badan umaba arkaan sababo laxiriira waxyi galin badan oo arintaasi laxiriirta oo aan dadka loosamayn ayaa lagu soogabagabeyey warbixintan oo ay soosartay wasaarada arimaha dibada ee maraykanka haseyeeshee ururinteedii ay dhinacyo badan kaqayb galeen

Cabdirisaaq xasan cabdi

bosaso

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s