Guddoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihi hore ee gobolka Banaadir Cabdirisaaq Maxamed Nuur oo loo yaqaanay Eng.Nuune,waxaana xilkaas loo magacaabay Guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho ayaa waxaa loo magacaabay Maxamuud Nuur Tarzan,waxaana xaflad uu xilka kula wareegaayay lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir ee magaaladda Muqdisho maanta iyadoo ay kasoo qaybgaleen masuuliyin ka tirsan Dawladda Federaalka.

Maxamuud Nuur Tarzan ayaa ka mid ah qurba joogta Soomaaliyeed,wuxuuna deganyahay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaaladda London isagoo ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federaalka.

Mudane Tarzan ayaa xubin ka ahaa Ururka dib u xoreynta Soomaaliya oo u hogaamin jirey Sheikh Shariif ee fadhigiisu ahaa magaaladda Asmara ee dalka Eritrea,waxaana uu dhankaas kasoo galay Baarlamaanka Federaalka, sidoo kale waxa uu caan ku ahaa hoggaaminta mudaaharaadyadii looga soo horjeedi jirey dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Lama yaqaano sababaha rasmiga ah ee ka dambeysay in xilka laga qaado Guddoomiyihi hore ee gobolka Banaadir oo mudo ku dhow lix bilood xilkaas uu hayey.

 

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s