Wasaaradda warfaafinta oo kulan la qaadatay saraakiisha AMISOM u qaabilsan warfaafinta.SAWIRRO.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo masuuliyiinta warfaafinta u qaabilsan AMISOM ayaa maanta kulan ku yeshey xarunta wasaaradda ee magaallada Muqdisho.

Kulankaan ayaa labada dhinac uga wada hadleen sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen hay’adaha warfaafinta ee TFG iyo AMISOM iyo sidoo kale in la mideeyo hanaanka warfaafineed ee labada dhinac ayaa waxaa gudoominayay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Shirkaan ayaa labada dhinac isku dhaafsadeen waxbixinno kooban oo ku aaddan baahida loo qabo in uu iskaashi dhex maro labada dhinac iyo wada shaqeyn dhab ah oo ay yeeshaan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo gabagabadii shirkaan u warramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulankaan uu qeyb ka yahay hormarinta iyo isku xirka saxaafadda, isagoo tilmaamay in waxbaahinta gaarka loo leeyahayna uu kulamo noocaan ah la yeelan doono dhawaan.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya  isku xirka warfaafinta labada dhinac ee AMISOM iyo TFG, waxaana shirka lagu muujiyay dowrka uu warfaafinta xilligaan uu ka qaadan karo Raadiyo Muqdisho.

Masuuliyiintii labda dhinac ee ka qeyb gashay kulanka ayaa muujiyay in loo baahan yahay in taageero farsamo iyo mid aqooneed la siiyo saxafiyiinta si loo helo jawi warfaafineed  oo lagu gudbin karo fariin sax ah oo natiijo leh.

Sawiarda radio Muqdisho

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s