Baydhabo:Nin ku eedaysan inuu Basaas ahaa oo Xukun dil ah lagu fuliyey.

Waxaa shalay Galabnimadii fagaare weyn oo kuyaala Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu fuliyey Xukun dil ah oo ay fuliyeen Wilaayada Islaamiga ah ee Alshabaab u qaabilsan gobolada Baay & Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya,waxaana xukunka dilka ah lagu fuliyey nin dhalin yaro ah.

Marxuumkan geeryooday oo magaciisa lagu sheegey Ibraahim Cabdulqaadir Xassan oo 38-Jir ah ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa Basaas u shaqaynayey ciidamada Ethiopia ee jooga meelo kamid ah goboladaas,waxaana lasheegey in 38-jirkan geeyooday uu qirtay eedayntaas islamarkaasna uu xaq u yeeshay xukun dil ah.

Gudoomiye xigeenka Maxakamada Islaamiga ah ee gobolada Baay & Bakool Sheekh Sheekh Aadan Dheere ayaa warbaahinta u sheegey in Marxuumkan geeyooday uu qirtay inuu Jaajuus u ahaa ciidamada Ethiopia,waxaana uu sheegey in diintu ay qabto qofkii lagu qabto fal noocan oo kale ah in la toogto.

Boqolaal dadka reer Baydhabo ah ayaa shalay ka qeybqaatay daawashada Xukunkan dilka ah,waxaana mas’uuuliyiintii halkaas joogtay ay shacabka ugu digeen inay ku dhaqaaqaan falal aanan wanaagsanayn oo ay Jaajuusnimadu kamid tahay.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s