Guddoomiyaha Barlamaanka oo dibadda u safray iyo kulankii Barlamaanka oo dib loo dhigay.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay dalka ayagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guduumiyaha Barlamaanka iyo wafdigiisa lama sheegin halka ay ku sii jeeedaan hase yeshee warar aan ka helnay xafiiska afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in gudoomiyuhu uu gaari doono ugu horeyn dalka Kenya.

Subaxnimadii saakay ayuu ka ambobaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana sii dhaweeyay xildhibvaano barlamaanka ka tirsan.

Dhinaca kale Waxaa Maanta dib loo dhigay Kulankii ay Mudaneyaasha barlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen Xarunta Golaha Shacbiga kaasoo la doonayay in looga dodo  Dib u eegista Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.

Baaqashada Kulanka  ayaa timid kaddib markii ay Cillado dhinaca farasmada ah ku yimaadeen Qalabkii loogu talo galay Cod baahinta sida ay sheegeen nidaamiyayaasha Barlamaanku.

Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar oo Sakaay la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu Maanta baaqday Kulanka Baarlamaanka oo uu Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aaden ammar ku bixiyay in la hagaajiyo qalabka halleysan, islamarkaasna kulanka dib la sigu yimaado Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s