ulumaa’udiinka Ahlu Sunna wal-jamaaca ayaa DFKMG Somaliya ugu baaqay in si dhab ah u waajahdo la dagaallanka kooxaha diiddan nabadda iyo jiritaanka ummadda Somaliyeed kuwaasi oo colaado joogto ah ka hurinaya gudaha dalka.
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ASWJ Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaliyeed ay ka daaleen dagaallada ragaadiyey Dalka Soomaaliya.
Wuxuu Gudoomiyahe Xeefoow ugu baaqey Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya in ay ka dhabeyso la dagallanka Kooxaha dhibaatada ka wada Dalka, kuwaas oo kooxaha Alqaacida ku soo casuumay waddanka Soomaaliya, iyadoo uu sheegay in taasina lagu gaari karo in si wada jir ah meel looga soo wada jeesto kooxaha Nabad diidka ah.
Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ASWJ ayaa waxaa uu meesha ka saarey hadalkii dhowaan ka soo yeerey qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu-suna ee ahaa in Wasiirada dhinaca Ahlusuna uga yimid Dowlada Aysan ka tirsaneyn Culmaa udiinka Ahlusuna Waljamaaca, isagoo sheegay in wasiirka amniga qaranka Axmed C/salaam uu yahay nin ASWJ ka tirsan.
Hadalka Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ASWJ ayaa waxaa uu ka danbeeyey ka dib markii maalmihii la soo dhafay dagaallo sababey dhimasho iyo dhaawac uu dhex marey dowladda kMG ah ee Soomaaliya Maleeshiyaadka Alshabaab Iyo Koxda kale ee xisbiga kaas oo Dowlada KMG ay ka sameysey Hormar la taaban karo.
allcasayr.com