Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay xukunka kala wareegaan xoogaga hubeysan

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qaybgalay shirkii IGAD ee labadii laamood ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa hadal uu ka jeediyay ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in la afgambiyo.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in kooxaha dowladdiisa dagaalka kula jira ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida ayna ku hareeraysan yihiin Madaxtooyada, isagoo xusay inay doonayaan inay xukunka ka tuuraan Dowladda, isagoo ka dalbay IGAD iyo dalalka Caalamka inay gacan naga siiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxahaas.

“Soomaaliya waxay khatar ugu jirtaa in kooxo argagaxiso ah oo xiriir la leh Al-Qaacida ay qabsadaan” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in khatartu ay tahay mid aan indhaha laga qarsan karin.
Hadalka Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dowladdu ay dagaal kula jirto Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ku dhow Madaxtooyada Somalia, iyadoo ay sheegeen saraakiishooda inay ka go’an tahay inay ridaan xukuumadda.

“Dowladda Soomaaliya waa mid aan awood u lahayn inay ka adkaato kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira oo xiriir la leh Al-Qaacida” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaas raaciyay inay lagama maarmaan tahay in la helo xoog ciidan oo difaaca Dowladda.

Shirka IGAD ee uu hadalka ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay lagu soo gabgabeeyay Addis Ababa ayaa waxaa fadhiyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.

Madaxda IGAD ayaa waxay isla markaan ballanqaadeen in ciidamo gaaraya 2,000-askari oo deg-deg ah loo diro Soomaaliya, kuwaasoo hoostagaya ciidanka AMISOM ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s