Kulan ay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen xaruntooda Muqdisho oo kusoo gabgaboobay buuq

Kulan ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen xaurntooda Muqdisho maanta ayaa kusoo gabgaboobay muran iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka uu kulanka soo xiray, kuna dhawaaqay in berri mar kale la isku yimaado.

Xildhibaannada kulankii maanta xaadiray oo tiradoodu ahayd 230-mudane ayaa waxay siyaabo kala duwan uga hadleen isbadal lagu sameeyay xeer hoosaadka baarlamaanka, taasoo dhalisay in xildhibaanada qaarkood ay buuq bilaabaan.

Guddiyadii loo xilsaaray wax ka badalka xeer hoosaadka ayaa waxay u qaybiyeen Xildhibaannada qoraallo muujinaya qodobbada isbadalka lagu sameeyay, iyadoo taasi ay sii kordhisay buuqii baarlamaanka, waxaana xildhibaannada badankood ay hadal ka keeneen qodobbada qaarkood oo la badalay.

Mudanayaasha qaarkood ayaa waxay si weyn u dhaliileen qodobbada isbadalka lagu sameeyay, halka xildhibaanno kalena ay soo dhaweeyeen, iyadoo ugu dambeyn uu hadalka qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Xildhibaanada sharafta leh waa inay soo aqriyaan qoraallada loo qaybiyay ee ka hadlaya isbadalka lagu sameeyay xeerarka baarlamaanka, waana inaan dib ugu soo laabanno berri si aan howsheenna u sii wadanno” ayuu yiri Shariif Xasan.

Intii kulanku socday ayaa lagu dhaariyay xildhibaanada hortooda laba xubnood oo cusub kuwaasoo ka mid noqonaya baarlamaanka, waxaana xildhibaannada lagu badalay kuwo horay uga geeriyooday Baarlamaanka.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s