Qarax Caawa Lala Beegsaday Gaariga Guddoomiyaha gobolka Bari

Qaraxa oo loo malaynaayo in uu ahaa nooca meelaha fog fog laga hago ayaa fiidnimada caawa ayaa laga maqlaayey meelo badan oo ka mid ah magaalada, waxaana uu ka dhacay agagaarka Hotel Shabeele oo ku yaala koonfurta magaalada isla markaana wadada laamiga ah ee u baxda Gobolada kale saaran

Xilliga gaariga lala beegsanaayay qaraxa ayaa waxaa la sheegay in Guddoomiyaha uusan la socon ayadoo ay saarnaayeen oo keliya ilaaladiisa iyo dareewalka waday.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey qaraxaas,waxaana dhintey inta la ogyahay labo qof oo kala ah dareewalka gaariga iyo mid ka mid ah ilaalada oo isagu dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka guud ee magaalada Bosaaso.

Labo ka mid ah Askarta ilaalada Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhaawac gaartay,waxaana la jiifiyey Isbitaalka guud ee Bosaaso oo lagu dabiibaayo ayadoo lasoo sheegaayo in dhaawacooda uu culus yahay.waxaana burbur xoogan gaaray gaariga guddoomiyaha.

Ciidanka Amniga ee Bosaaso ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay,waxaana ay ka wadaan halkaas baaritaano qaabka uu qaraxu u dhacay,lamana ogaa in ay dad u qab qabteen.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s