Dawlada “Naas iyo Nikaax” ee Puntland. Qaybtii I. Qalinkii: Prof. Farjac

Xusuuso Geesigii: Cabdullahi Mahdi Xassan (Sayid)

 Arar:-

 Waxaa dal kaga hormaraa dal kale waa dawlad wanaag. Isbedel-san doon baynu ahayn, hase yeeshee tani waa jug-jug meeshaada jog. Weliba tii hore baa la qaatay, oo nabadu intaan waa dhaantay. Ujeedada qoraalkani waa wax toosin, ee ma aha wax build. Shalay markay golaha wasiirada iyo ku xigeenadu joogeen qurbaha Australia, Yurub iyo woqooyiga Mareykanka, ruux wax ka sheegi jirey ma jirin (Faruurow faduul baa Berbera geysey). Mar haduu ruux xil qaado, eed iyo abaalba ma waayo (Nin durbaan tumay cilaaq dalbay). Qof kasta oo muwaadin ah ayaa il gaar ah ku fiirinaya, wuxuuna xaq u leeyahay in uu runta u sheego si loo turxaan bixiyo dhibta jirta. Shicibka Puntland lacag bay ku bixiyaan say ay u helaan dawlad wanaag. Hase yeeshee tolow, maamul kasta oo soo mara Puntland, midba midka ka dambaya waa ka sii liitaa. Ninkii ceelka ku dhacay oo waxkasta lagala daalay si loo soo bixiyo wuxuu yiri “Bal shaba-shaba ii tuma in aan soo boodo”. Hadaba bal in dadweynuhu dawlada wax u sheegaan, waxaanu dadweynaha bareynaa dawladoodu xubnaha ay ka kooban tahay waxa ay yihiin: aqoontooda, anshaxooda, waaya arignimadooda, xirfadaha ay leeyihiin, waxay ahaan jireen, dembiyada ay horay u soo galeen, meelaha ay ka soo shaqayn jireen iyo dhibaatada ay ka soo carareen. Aan hoosta ka calaamadinno, ujeedadayadu waa wax toosin. Hadii caadifad qabiil ku soo qaado, golaha wasiiradana aad nacfi ku qabto, waxaanu ku leenahay “Dawlada nagama aad xigto ee waran laq”.

Horhac:-

Dawlad walba Markey dhalato ama muddana joogto ayey magac la baxdaa. Dad badan oo aan kaftanka aqoon baa caroonaya hadii aan dawladihii hore ee musuq-maasuqa ama tii kacaanka oo isrog-rogtay oo dhawr goor laba kaclaysay wax laga sheego. Sawirada gacanta ee Amin Arts u daa xaqiiqda. Hashii caanaheeda side loo qaybsaday?

Dawladi waxay ka kooban tahay saddex hey’adood oo kala madax banaan oo isku tabar ah isna feera orda. Saddexda hey’adood way is dheeli tiraan. Midwalba midda kale ayey ka ilaalisaa in ay ku xad gudubto shicibka. Hadaba Puntland laba hey’adood ma laha awood (waa ku daayeen), waana hey’adda wakiilada beelaha (legislative branch) iyo hey’adda garsoorka maxkamadda ugu saraysa wadanka (judiciary branch). Hey’adda maxkamada sare hore ayaa dawladihii hore u soo curyaamiyeen. Hadba madaxweynihii yimaada ayaa kuwii hore hilfaha u qaada, kuwa hor lehna magacawda. Hadii la magacaabo xubnaha maxkamada sare waxaa laga rabaa in ay ogolaadaan ama diidaan golaha sarxi samaynta.

Hey’adda keliya ee awooda leh waa hey’adda fulinta (executive branch). Walowba ay hey’adda fulintu ka kooban tahay madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka, wasiirada iyo wasiira-ku-xigeenada. Hase yeeshee hey’adaana waxaa awoodii isku fuuqsaday madaxweynaha oo keliya. Sidaa darted waxaa dadweynuhu ku xantaan in Puntland ay tahay “Madaxweyne ka nool”. Hadii madaxweynuhu ka maqan yahay wadanka, dawladi kama jirto. Waxaa cajiib ah inta goor ee Somaliland soo weerartay xaduudaha Puntland, madaxweynaha markaas talada haya waa ka maqnaa wadanka.

Maqaalkani wuxuu si rasmi ah u qayaxayaa una lafa gurayaa wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenada dawladda Puntland keliya (Cabinet members of Puntland).

Golaha Wasiirada Puntland.

Qaabka Wasaarad hawsha u fuliso

Si loo fuliyo hawlaha dawlad kasta waxaa jira wasaarado iyo hey’ado loo xilsaaray in ay qabtaan hawsha dawlada. Wasaarad walba ama hey’ad walba waxay u qaybsantaa qaybo, waaxyo, unugyo iwm. Qayb walbana waxaa hogaaminaya madax loo magacaabo. Badanaa wasiirka iyo wasiir ku xigeenada mooye, inta kale waxay ku gaaraan madaxnimada hawl qabad iyo karti uu muujiyo in uu xirfadaas mulkiyey iyo qofka madaxa looga dhigayo hufnaan uu soo muujiyey in uu aqoon dheeri ah u leeyahay.

Ceebi waxay ka dhacday Puntland oo agaasimayaasha waaxaha iyo unugyadu ay noqdeen jagooyin siyaasadeed iyo qabiil oo ku xirmay magacaabidda madaxweynaha. Maqaalka qaybtiisa shanaad waxaan ku muujineynaa in wasiirada iyo wasiir ku xigeenadu aanay awood u lahayn magacaabida maamulayaasha iyo agaasimayaasha ka hawl gala wasaaradohooda.

Tirada Wasaaradaha iyo Golaha Wasiirada

 

Markuu talada la wareegay, waxaa madaxweynuhu magacaabay wasiiro, wasiiro ku xegeeno iyo wasaarado dhan 22. (Dr. Ali Warsame-Puntland iyo Wasaaradeheeda:  http://somalifans.net/2010/05/27/faallo-160/).

(http://www.somalitalk.com/2009/jan/wasiiro_puntland.html)

Hadaba tirade dadka la magacaabay waxay ahayd 39 wasiir iyo wasiir ku xigeen. Weli markaas lama magacaabin madaxda wasaaradaha laga dhigay Agaasin Good (General Directorate). Walowba tayada madaxda la magacaabay ay liidatay, waxaa taas ka xoog weynaatahy tirade dadka loo magacaabay. Waxaa Dr. Nurudin wuxuu ka khajilay fartana ku fiiqay tirade gaareysa 39 wasiir iyo wasiir ku xigeen. Hase yeeshey booyow ! maxaa manta Dr. Nurudin oran lahaa marka tirade wasiirada iyo wasiir ku xigeenadu ay heehaabayaan tira ka badan 53? Walaal Dr. Nurudin, waxa weli la soo wadaa ka daran.Weli lama magacaabin wasiirka iyo wasiir ku xigeenada wasaarada dharka iyo macuunta, wasiir iyo dhowr wasiir ku xigeeno ee wasaarada Hargaha iyo Saamaha, sidoo kale wasaarada Qaxootiga Koonfurta Somaliya ka soo galay, Wasaaradda Guryaha uyo Dejinta Qurba Joogta, Wasaarada Daanyeerka, diindiinka iyo dumadaha. Nuurow kow iyo laba lama joogo. Waxaa jirta dhallin yaro badan ee dooneysa jago wasiir iyo wasiir ku xigeen. Hadaba ha nala so xiriiraan oo ha tagaan xawaalada Dahab Shiil, anaguna si dhaqso leh ayaan ugu soo xawileynaa jago wasiir iyo wasiir ku xigeen.

Qurba Joog Baa Carradii Qurmisay

Waa run in wasiirada dawlada Puntaland ay u badan yihiin qurba joogta (98% passport ajnebi wata ). Hase yeeshee maxaad ka taqaan wax qabadkooda? Xirfadooda? Waaya aragnimadooda? Aqoontooda? Hufnaantooda? Dembiyada ay horay u soo galeen? Anshaxooda? Dad la dhaqankooda? iyo aqoonta ay u leeyihiin jagooyinka loo dhiibay?

Dad weynuhu waxay u malayeen magacaabidda qurba joogta loo magacaabay jagooyinka wasaaradaha. Xaqiiqdu waxay tahay aqoonta ay leeyihiin in ay tahay sida loo isticmaalo mukhaadiraadka sida qaadka, khamriga, sigaarka, buuriga, nacasta (marijuana), xawaareyso (speed), crystal meth (dhammo), qaboojiso (crack cocaine). Waxaa intaa u sii dheer ayna ku xeel dheer yihiin haweenka iyo daawashada dhakhlaha internetka (pornographic websites). Ha ka welwelin maqaalka qaybihiisa dambe waxaanu ku soo bandhigeynaa wasiirada iyo wasiir ku xigeenada caanka ku ah isticmaalka mukhaadiraadka iyo haweenka. Weligaa ma is weydiisay sababta ay dibadda ugu dhoofaan? Dhammidood ma Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa si qarsoodi loogu magacaabay? Mise mukhaadiraadkii baa qabtay? Ma la socotaa in mar kasta oo qof wadankii ku noqonayo ay u qaadaan mukhaadiraad? Ma la socotaa in ay ka warqabaan qofka ka soo baxaya wadamada dibadda oo ay kuwa qaraabada ay yihiin ay ka dalbadaan in ay ugu geeyaan qofka soo baxaya? War ninyohow war ma ogid. Sida ay u hayso xaraaradu waxaad ka garataa marka ay kaga hor yimaadaan garoonka diyaaradda (madaarka).

Waxaase yaab leh in madaxweynuhu ballan qaaday in wasiiradiisa iyo ku xigeenadiisu ay noqonayaan kuwa aan isticmaalin mukhaadiraad sigaar iyo qaadba ha ugu yaraadaane. Alla maxaa riwaayad la isu dhigayaa?

Yey Yihiin Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasiir-Ku-Xigeenada Puntland?

Sida dadka badankiisu og yahay wasiirada iyo ku xigeenadooda laga soo magacabay qurba joogta waxay u badan yihiin dad dembiyo fool xun ka soo galay ummadda xilligii colaada sokaye ee burburka Somaliya oo dhalisay qaxa loogu kala cararay wadamada qalaad.

Waxay dhamaantood yihiin dad qaxootinimo ku tegey qurbaha. Badankoodu baran waaye afafka qalaad ee lagaga hadlo wadamada ay ka heleen qaxootinimada. Waxaa taas daliil u ah Markey safar ku tagaan wadamada qalaad in mid walba uu soo wato nin ay isku beel yihiin oo uga tarjuma gaalada ay soo booqdeen. Ogowe waa wadamadii ay qaxootinimada ku tageen dadkoodi waxa looga tarjumayo. Hadii ay la kulmayaan dad madax ah ee ka tirsan wadanka ay booqanayaan, kuwa qaraabadooda ah ayaa u soo qora khudbada, hase yeeshee akhrinteeda ayaa dhib weyn ka qabsadaa. Bal anagaa yaab aragnay.

Dhibta ay ka Carareen:-

Waa niman badankoodu la qabsan waayeen jawiga una adkaysan waaye qabowga (difficulties in adoption and assimilation). Ma aha dad ku aflaxay wadanka ay qaxootinimada ay ku tageen, kama helin shaqooyin fiican qurbaha ay joogeen. Saas darted waxay isku hawleen sidii ay shaqo uga heli lahaayeen wadankii laga soo qaxay. Waa dad in muddo badan shaqo ka raadinayey dawladihii tan ka horeyey. Waayo badankoodu waxay ka shaqaynayeen shaqooyin ku meel gaar ah sida golayaasha hanuuninta qaxootiga-looguna magac daro ururada bulshada Somaliya (Beel walba mid gooni u ah bay leedahay, dawladana lacag kaga qaadataa), Shaqaale laxmul xalaalka dukaamada lagu iibsho,  shaqaale warshadaha lagu qalo digaaga iyo turkiga – loona bixiya khubarada doora fiiqa, shaqaale xawaaladaha lacagta, xashiishada gadayaal, shaqaale nadiifinta suuliyada hey’adaha dawlada, kalkaaliyayaal nadaafada iyo xanaanada guryaha dadka gabooba iyo dadka madaxa ka buka, ilaalada iyo waardiyaha habeenkii intiisa dambe, cayr qaatayaal, dhanbaal geeyayaal, kamaryeeriyayaal, kalkaaliyayaal iyo iibiyayaal ka shaqaya dukaamada shidaalka gawaarida laga siiyo, iibiyayaasha mukhaadiraadka sida nacasta, qaaka iyo droogada, iibiyayaal caymiska gawaarida, geeyayaasha Pizzada, tagsiilayaal, wadayaasha baabuurta xamuulka, iwm.

Walowba shaqooyinka ay ka shaqaynayeen ay yihiin camal sharaf iyo amaan leh (hadii laga reebo cayr qaatayaasha), waxaa hubaal ah in aaney lahayn xirfadda, aqoonta, waaya aragnimada iyo wadaninimada loo baahan yahay in lagu maamulo wasaaradaha.

Jeclidaa Dheefta Dhib Yarida Lagu Helay:-

Magacaabidda loo magacaabay jago sare oo weliba ay hubaan in ay ka helayaan dakhli lacageed oo aad uga badan kii ay ku qaadanayeen wadamada ay qaxootinimada ay ka heleen iyo weliba ascaarta Somalia oo aad u hoosaysa iyo iyadoo laga bixinayo kharajka kirada guriga iyo gaariga. Taas waxaa u sii dheer in ay magac ku yeesheen beelahoodii maadaama ay qorteen askkar farabadan oo ilaalisa.

Waa marka hore oo waa ay ka raysteen wadamadii ay qaxootinimada ay ka heleen. Diiftii baa ka hadhay oo jirkoodii baa bedelmay. Sow ma aydaan arkin marka ay safarka idiinku yimaadaan. Fakhrigii ka har, dhabanadoodaa laga subkadaa.

Bal dadow ma is weydiiseen sababta ay 120 will oo qorya sita ay u ilaaliyaan wasiirada iyo wasiir xigeenada? Maxaa laga ilaaliyaa? Yey dembi ka galeen? Ma waxay teknikalska u wataan in ay shicibka Puntland kula diriraan? Bal adiguba xisaabi markaad 53 xubnood aad ku dhifato 120 will oo wasiir ama wasiir ku xigeen ilaaliya, iyo 5 teknikals qofkiiba. Ma is weydiisay sababta xaduuda Puntland loo soo weeraro adigoo maskaxda ku haya ciidanka ilaaliya wasiirada iyo wasiir ku xigeenada inta uu la’egyahay? Ogowe kuma aanaanu darin dhallinta ilaalisa madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, wiilasha iyo qoyska madaxweynaha, raiisul baarlamaanka, madaxda ciidamada, madaxda he’yadaha wakaaladaha, xubnaha baarlamaanka ee awooda leh, issimada caanka ah, madaxda saldhigyada booliska, iwm. Maskaxda ku hay in kharajkooda laga bixiyo dakhliga Puntland. Hadaba xisaabtanka waxaan kaga hadleynaa maqaalka qaybtiisa saddexaad anago ku lifaaqayna difaaca dawlada Puntland.

Aqoon La’aan Waa Iftiin La’aan- “Camoolka Hagaya Camoolka kalow, Haadaanta Ha Ka Ridin”:-

Magacaabidda madaxweynaha uu ku magacaabay jagooyin wasiir iyo wasiir ku xigeen, micneheedu ma aha in ay aqoon u leeyihiin jagada magacaabay. Ma jiro mid ka mid ah oo aqoon u leh wasaarada loo magacaabay. Qofka loo magacaabo in uu hogaamiyo wasaarad waa in uu u leeyahay aqoon maamulka (administration), aqoon gaar ahna u leeyahay wasaarada loo magacaabay hawleheeda. Hadaba kalkaaliye ka shaqaynayey suuliyada guryaha lagu xanaanayo dadka gaboobay, oo aan qaadan shahaado dugsi sare, iskaba daa mid jaamacadeed muxuu ka garan karaa maamul iyo maaliyad wasaarad iyo mashaariicdeeda ku baxda? Ma jiraa wasiir ama wasiir ku xigeen keenay nuqulkiisa waxbarasho, hawlleed, waaya aragnimo iyo wuxuu qoray (Resume)?

Baaris weyn aanu ku samaynay inta ka soo baxday dugsi sare oo soo qaadatay shahaado jaamacadeed waxay noqdeen shan nin. Laba ka mid ah waxay shahaadada qaateen 2006 iyo 2007.  Hase yeeshee shanta shahaadada leh iyagana shahaadadoodu shaqo kuma laha wasaaradaha loo dhiibay. Markaanu falan qaynay oo si cilmiyaysan u lafa gurney, waxaanu isku raacnay in ay ku haboonaan lahaayeen gooba kale.

Waryaa Ilaah yaqaan oo madaxweynaha la taliya? War yaa ku yirahda, wadanka sidaan ka daa? War yaa ku yiraahda qof aan aqoon u lahayn masuu’liyadda wasaaradaha in uu ka daayo magacaabidooda? Aqoon la’aantu dhib ma haateen hadii qofku shakhsiyad daacad wadaninimo ku dheehantahay lahaan lahaa. Hadaba yaa madaxweynaha ku dhaha, hadii aad qof wax yaqaan weydo, qof ummadda iyo wadanka u daacad ah jagada u dhiib?

Magacaabidda Wasiirrada iyo Ku Xigeenada:-

 

Sida xaqiiqdu tahay wasiir markii la magacaabayo waxaa jira qaab aduunku ka siman yahay hadii maamulku yahay mid demuqraadi ah. Magacaabidaa waxaa ansaxiya golaha xeer samaynta ama golaha shacabka (legislative branch). Waxayna soo akhristaan hawlaha, xirfada, aqoonta iyo waaya aragnimada qofka wasiirnimada ama wasiir ku xigeenimada loo magacaabay. Waxaa ay dalbadaan warqada dembi barista. Waxay helaan fukradaha uu horay u soo qoray oo muujinaya cabirka fikradihiisa; waxay soo helaan qofkaasi khudbado uu jeediyey oo ku salaysan fikradihiisa. Markaasbaa waxay guddi loo cayimay in ay ka soo baaraan degaan in ruuxaasi u qalmo iyo in aanu u qalmin jagada lagu magacaabay ay u fariistaan shir (Confirmation hearing). Warbaahintu way ka qayb gashaa oo dadweynaha ayey u soo bandhigtaa qofku in uu u qalmo iyo in kale.

Nasiib darro waa aqoon la’aanta xubnaha wakiilada beelaha u fadhiya golaha wakiilada beelaha “Parliament” lagu ansaxiyo wasiirada. Sidaa darted qofkii la soo magacaabo badanaaba lagama fariisto, mana jirto wax wareysi iyo akhrin ku saabsan ruuxa la magacaabay. Maamulada qaarkood golaha wakiilada beelaha lama hor keeno oo lagama ansaxiyo. Taa daliil waxaa u ah, wasiiro ka mid ahaa dawladii tan ka horaysay iyo kuwa ka mid ah dawladaan.

Maqaalkaan ujeedadiisu waa wax toosi, mana naga aha wax halaya. Maadaama la mamnuucay xorriyadda saxaafada oo koodii runta sheegaba la buka-bukayo, la saqiir-suujiyo, qaar la dilo, qaarna xabsiga loo taxaabo, ayaan damacnay in aan runta ka sheegno dhibaatada wadanka lagu hayo.

Waxaa bulshada ku jira, dad qabiilku sumayey oo qofkii runta sheegaba u arka cadow ka soo horjeeda beeshooda iyo maamulkooda. Hadaba kuuma diidanin in aad ina adeerkaa wasiirka ama wasiir ku xigeenka aad tageerto, hase yeeshe, inta goori-goor tahay la hadal ina adeerkaa oo ka dhaadhici in la idiinku bedelo ruux wax yaqaan oo dadnimo iyo wadan jacayl leh oo aan xollaha ummadda dhici hayn.

Waxaan ka codsanaynaa qurba joogta Puntland, aqoonyahanada, culumada diinta, saxaafada, indheer garadka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhallin yaradaba in ay si caafimaad qabta uga doodaan arrintaan mucjisada ah. Taladayadu waxay tahay in maamulka wasaaradaha loo dhiibo dad aqoon u leh wasaaradda lagu magacaabayo, weliba ah dad daacad ah oo maamulka laga ilaaliyo tuugada xadaysa xoolaha ummadda.

Aqoon Yahanno Run Ah:-

 

Waxaanu ognahay in dadka aqoonta iyo xirfada u leh maamulidda wasaaradahaas, khibrada dheeri ah u leh horuumarinta arrimaha ijtimaaciga iyo dhaqaalaha ee qurba joogta ah ay haystaan shaqooyin ay ka qaataan mushaharooyin aad u badan. Sidaas darted aaney ogolaanayn shaqo iyo maamul Puntland, ayna ku bedelan hayn nabadda ay joogaan goob dadka micne la’aan si abaabulan loogu dilayo. Hadaba waxaanu ognahay siyaabo sahlan oo iyaga looga dhaadhicin karo in ay ogolaadaan ka qayb galka maamulka wasaaradaha iyo horuumarinta Puntland.

Aqoon, xirfad iyo karti keliya badanaa wax ma taraan sida aynu ku aragnay wadama qaarkood. Waxaa la arkay in badankoodu ay isticmaalaan xatooyo. Hadaba marka la magacaabayo maamule ama wasiir, wasiir ku xigeen waa in aan cilmigiisa iyo khibrada uu leeyahay keliya lagu qiimayn, ee dadnimadiisa, daacadnimadiisa, kartidiisa iyo aaminimadiisa lagu qiimayo. Hadaba dadka baahan ee doonaya in ay xoolaystaan ama shaqa doonka ah aynu ka digtoonaano. “Nin buka, nin baahan, caana barax ah looguma dhiibo.”

Qaybaha soo socda:-

 

Maqaalka qaybtiisa labaad waxaanu ku lafa gureynaa sababaha wasiir, wasiir ku xigeen kasta uu u wato 120 askari iyo shan teknikal, sababaha markii wasiir ama wasiir ku xigeen laga qaado jago loogu dhiibo mid isaga ina adeerkiis ah marka wasiirada iyo ku xigeenada la isku shaandhaynayo, sababaha madaxweynuhu u xushay dadka aan aqoonta lahayn oo uu wasiirada ka dhigay, sababaha loo soo weeraro xuduudada Puntland.

Waxaan filaynaa in maqaalkani shanta qaybood ah uu u noqdo maamulka Puntland, digniin ay hurdada kaga kacaan, in ay maskaxda ku qabtaan in dadka oo dhan indhaha u furan yihiin, dawladana iftiinku ku shidan yahay.

Hadaan wax laga bedelin qaabka ka jira Puntland waxaanu soo bandhigeynaa sir culus oo aan ku haboonayn in banaanka la soo dhigo oo dhibaato u keeni karta dad badan.

Dib u akhriya maamulaha taliska ballanadii uu qaaday oo aan midkoodna ka hirgelin.

Codkii Runta Qayaxan

Farjac@gmail.com

Leave a comment

Filed under MAQAALO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s