Xaflad Si Wayn Loosoo Agaasimay ayaa Ka Dhacaday Hoolka Weyn Ee jaamacada Arab Open University Waxan Halkaas Ka Hadlay Arday Soomaaliyeed Isla Markaana Kasoo jeeda puntland. Daawo Sawiro

Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen maamulka jaamacada ARAB OPEN UNIVERSITY  qaybteeda  wadanka masar ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee isla jaamacadaas ay leedahay waxaana ka soo qaybgaly kumaanan iskuugu jiro masuuliyiin iyo arday munaasabaad ayaa waxay lagu soo bandhigay aqoon is waydaarsi ku saabsan wadamada islamka iyo reer galbeedka. 

 
DR Wasfy Aziz isaga oo ku hadlaya magaca maamulka jaamacada waxa uuna sheegtay in ay kulankaan yahay mid taariikhi u ah jaamacada isaga oo u mahadceliyey wadamada Turkiga iyo Holand oo iyagu bishaan gudaheeda labo kulan oo ka dhacay jaamacada qayb wayn ka gaystay ayna kasoo waybgaleen safiiradood . 

 

Sidoo kale waxaa isagana halkaa ka hadlay DR Inyaka ruksi oo isagu ah macalin waxa ka dhiga jaamacada amsterdam ee ku taala dalka Holand waxa uuna sheegtay inay tani tahay bilow xiriir dhex mara ardayda jaamacadaha ku yaala dalka Holand iyo jaamacada Arab open university  

 

waxaa iyadana halkaas ka hadashay DRS HANAN shahata oo iyadu ah macalimad wax ka dhigta isla jaamacada Arab open university iyada oo ku hadlaysa magaca macalimiinta jaamacadaas. 

 

 DRS Hanan ayaa sheegtay in aad ugu faraxsantahay in ay dad badan oo maantay. halakan joogo oo iyagu ka fahansanaa wadamada reer galbeedka qalad ay maanta wax badan fahmeen iyada oo sheegtay in baarlamaanka holand ay ku jiraan ilaa 7 xubin oo haysta diinta islamka ayna aqlabiyad ku leeyihiin .
 

 

Sidoo kale waxaa iyadana halkaa ka hadashay mrs yaasmiin  oo iyadu ah maamulaha masjid ku yaala magaalada amsterdam oo lagu magacaabo(mosque buuladar) waxayna halkaas ka jeedisay hadalo qiimo iyo qaayaba leh. 
sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay eng mohamed amsiyaan oo isagu ah saxafi qaybta luqada carabiga ee idaacada caalamiga ee holand waxa uuna sheegay inuu isagu yahay slam reer holand ah isaga halkaas ka jeediyey hadalo qiimo leh  

Sidookale waxaa isagana halkaa ka hadlay eng abdalla mohamed mohamuud ali abdalla oo isagu ah arday  soomaaliyeed oo wax ka barta jaamacadaas kuliyada ganacsiga isaga halkaas ka jeediyey hadalo qiimo iyo qaayaba leh eng abdalla mohamed mohamuud ayaa isaga oo ku hadlaya magaca ardaydayda soomaaliyeed ee jaamacada dhigata ayaa waxa uu ku dheeraaday ka hadalka taariikhda dalka netherlands sidoo kale muhiimada ay waxbarashadu leedahay.  

 

 Sidoo kale waxaa isagana halkaa ka hadlay saif laah abdi rauf oo isagu ah arday waxka barta isla jaamacaas kuliyada information technolgy oo ka soo jeeda dalka Nigeria isaga oo sheegay inay wax badan fahmeen maantay isaga oo ka codsaday macalimiintii ka socday jaamacadaha dalka Holand inay ka caawiyaan dhanka wax barashada
sidoo kale waxaa halkaas ka hadashay  ardayad wax ka barataa jaamacadaas  kuliyada dhaqaalaha iyadana halkaas ka jeedisay hadalo qiimo iyo qaayaba leh . 

ugu dambayn ayaa waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyey ardayda wax ka barata jaamacadaas sidoo kale waxay ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadas soo bandhigeen cajal fanaanka caanka ah ee keynaan abdi warsame
fanaanka oo farxad galiyeey dhamaan dadkii kasoo qayb galay munaasabadaas  
 

Maxamed dacar 

Masar 

Qahira 

Allcasayr.com 

 

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Xaflad Si Wayn Loosoo Agaasimay ayaa Ka Dhacaday Hoolka Weyn Ee jaamacada Arab Open University Waxan Halkaas Ka Hadlay Arday Soomaaliyeed Isla Markaana Kasoo jeeda puntland. Daawo Sawiro

  1. woow sxb abdalla mohamed mohamuud sxb waan kuu hambalyeynayaa waxaan kaa daawaday tvga nile sxb caadi ma tihid laakiin madaxda shirka makala hadashay arimaha casayrland iyo xiriir dhex mara midowga yurub iyo casayrland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s