Munaasabado lagu xusayo 1da July oo xalay ka dhacay Kenya iyo Uganda.SAWIRRO

Xaflad Heer qaran ah oo lagu xusayay 50guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobollada koofureed ee dalka iyo midowgii 2da gobol ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Nairobi.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka  qeyb galay kumanaan muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka mid ah dowlada Soomaaliya sida wasiirka arrimaha dibadda Cali Axmed Jaamac Jingili, wasiirka caddaalada iyo garsoorka C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqoow, wasiirkii hore ee Beeraha Mustaf Dhuxulow, afhayeenka ciidamada booliska G/sare C/laahi Xasan Bariise, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xildhibaan Mowliid Macaane iyo Ibraahin Isaaq Yarow.

Safiirka safaarada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya maxamed Cali Nuur Ameeriko oo lahaa qabanqaabada xafladaan ayaa hadal ka jeediyay madasha, isaga oo kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in ay nabadda taageeraan si uu dalku uga baxo dhibaatooyinka ku habsaday.

Ka soo qeyb galayaasha xafladda ayaa waxaa ka muuqday xamaasad aad u daran iyaga oo intooda badan ku lebisnaa calanka bulugga ah ee xidigta 5geesoodka ah dhexda uga taallo.

Fanaanniin ka kala yimid dunida dacalladeeda ayaa xafladda waxa ay ka qaadeen heeso iyo suugaan kale oo waddani ah taas oo kicisay qiirada ka soo qeyb galayaasha.

Dhinaca kale munaasabad si heer sare loo agaasimay oo ay ka qeyb galeen Soomaali badan ayaa xalay lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda iyo Soomaalida ku dhaqan waddankaasi ayaa xalay xaflad heer sare ah oo lagu maamuusayo 50 guuradii ka soo wareegtay maalintii uu xurnimada qaatay gobollada koofureed ee dalka iyo midowgii laba gobo lee koofur iyo woqooyi uga qeyb galay halkaasi.

Waxaa madasha lagu soo bandhigay Suugaan waddani ah, aydoo ka qeyb galayaashu ay ku labisnaayeen calanka Soomaaliya.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s