Kooxda Xisbul Islaam Oo Warbaahinta Ku Amartay In Aysan Tebinin Munaasabada 1-da Luulyo

Kooxda Xisbul Islaam oo ka mid ah kooxaha ka dagaalama dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in warbaahinada aysan tebin karin munaasabada 1-da Luulyo oo ku beegan maalinimada berito ah.

Horjoogaha Kooxdaas ee gobolka Banaadir Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo Shir Jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku amray warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho in ay tebiyaan xuska munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalinki ay israaceen gobolada Koonfureed iyo Waqooyi oo ay xornimada ka qaateen gumeystihii.

Wuxuuna sheegay cida tebisay munaasabadaas ay ka qaadi doonaan talaabo adag,isagoo sheegay in arintaas ay ka baxsantahay Shareecada Islaamka siduu sheegay.

Horjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in aan la sii deyn karin munaasabadaha ku aadan maalmaha kale ee aduunyada laga wada xuso.

Kooxda Xisbul Islaam ayaa hore warbaahinada ka howlgasha magaalada Muqdisho ku amartay in ay sii deyn karin muusiikada iyo heesaha,taas oo noqotay mid dhaqan galay.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s