Israeli u waday hub Somaliland oo lagu xiray USA (cadaymo hor leh)

Florida; Chanon Miller oo u dhashay Wadanka Israel sidii aanu horeyba idiinku soo sheegnay ayaa waxaa ku socota dacwad ka dhan ah Maxkamad ku taal gobalka Florida sida aad ku arki doontaan Waraaqo cadaynaya oo aan hoos idiin soo dhigi doono.

Dacwadaan ayaa waxaa ay u qabsayn Todobo ,Todobaaas oo kala ah in uu u waday Hub Wadan ay saaran tahay cunaqabatayn,suuq madoow,waraaqo been abuur ah iyo kuwa kale oo la xirrira.

Fadlan halkaan ka akhri waraaqihii Maxkamada Magacyada qalinka la meriyey waa dad ay baaritaano ku socdaan oo kiiska kula jira.

Biloowgii Bishii April ayey ahayd markii chanon Miller uu xiriir la sameeyey Muwaadin u dhashay wadanka USA waana Ninka magaciisa la qariyrry sida aad ka arragtaan dacwada in uu soo diyaariyo labo Diyaaradood oo qaada hub waxa ayna ka qaadayaan Bosnia ilaa Somaliland

Bishii April15 ayuu muwaadankaa maraykanka waxaa uu xiriir dhinaca Emailka la sameeyey qolyahay u qaabilsan dhinaca duulimaadyada sida ay u eli karaan laba diyaaradood oo ah nooca Antonov12 oo ka duulaya Magaalada Tusla (Bosnia)ilaa Berbera(somaliland)oo ay midiiba samayso laba duulimaad.

Bishii April 21 ayuu ku celiyey Email kale una sheegay  in diyaaradaha la saarayo Hubka AK47 iyo qoryo kale waxa ayna isticmalayaan AN26 ama AN12(ma garanayo waxa ay u taagan yihiin flight no iyo in kale ) waxaa kale oo u sheegay in lacagto tahay qadimaad .

Bishii April 21 email kale oo uu ku celiyey ayuu waxaa uu ugu sheegay mr Chanon in hadii ay suuro galaan 4 taan duulimaad in uu hayo hub gaaraya ilaa 100 duulimaad.

Bishii May 18 ayey ahayd markii mr Ghanon loo taxaabay xabsiga .

Waxaan aad uga cudur daaranaynaa in Umad badan oo soomali ah kuna nool aduunka ay na soo weydiiyeen Hubkaan waxaa loo isticmaalayo waqtigaan umadu 20 sano ka soo daashay dil iyo barakac , hadase Su`aalahaa iyo kuwa badan oo kale baaritaano ayaanu ku wadnaa waanunu inshalaah soo bandhigi doonaa magacyada Soomalida xiriirka la sameeyey ninkaan yahuudiga ah.

xigasho allsanaag

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s