Afhayeenka Xarrakatul Shabaab oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Gaadiidka Booliiska ee Magaalada Muqdisho

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Xaruntii Gaadiidka Booliiska ee Magaalada Muqdisho oo shalay qabsadeen.

Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in ciidamadooda ay ku guuleysteen inay goobo badan oo ay horay ugu sugnayd Dowladda Soomaaliya ay awood ciidan ku qabsadaan isagoo xusay inay dagaalkooda sii wadayaan inta ay la wareegayaan dalka oo dhan.

“Waxaad arkaysaan in Mujaahidiintu ay gacanta ku hayso xaruntii Gaadiidka Booliiska oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana naga go’an inaan sii wadno dagaalkeena” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay Wariyeyaal ay maanta halkaas geeyeen si ay xaqiijiyaan qabsashadooda.

Goobta waxaa sidoo kale ku sugnaa Sheekh Muhktaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xarrakatul Shabaab, wuxuuna sheegay inuu aad u wanaagsan yahay, isagoo ka jawaabayay warar hore oo sheegayay inuu dhaawacmay.

Ciidamada Xarrakatul Shabaab ayaa waxay ku sugnaayeen Isgoyska Baar Fiat oo horay ay u sheegeen ciidamada AMISOM inaan loosoo dhaafi karin, waxaana uu Afhayeenka Xarrakatul Shabaab sheegay in Ujeedada dagaalladan ay yihiin si ay u koobaan deegaannada ay dowladdu gacanta ku hayso.

Dagaallo iyo duqeymo ka dhacay Waqooyiga Muqdisho gaar ahaan goobihii ay shalay la wareegtay Xarrakatul Shabaab ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 2-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 10-qof oo ay ku jiraan wariyeyaashii la geeyay halkaas.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa weli waxay ku adkeysanayaan inaanay jirin goob laga qabsaday iyadoo Xarrakatul Shabaab ay geysay saxaafadda goobihii ay shalay gabbal-dhicii kula wareegeen dagaalka.

Qabsashada deegaannadan cusub ee ay la wareegtay Xarrakatul Shabaab ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Taliyaha Milateriga Gen. Maxamed Geelle Kaahiye ay sheegeen inay ciidankooda u diyaariyeen dagaal.

allcasayr.copm

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s