QOSOL IYO QISOOYIN HORE Qaybtii 1aad W/Q Xareed Saalax Cadaawe

Dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad xilliyadii ay Afrika kala boobayeen gumaystayaashii reer yurub, wuxuu lahaa wajiyo badan oo kala gedisan, oo gumaystuhu adeegsanayay. Taas oo u suurta gelisay inuu dhextaraaro meelo badan oo uu ku hamminayey. Gaar ahaan qaarada dadkeedu wacyi ahaan xilligaas hooseeyey ee Afrika.

Wajiyadaas uu gumaystuhu adeegsanayay qaarkood layaab ayay lahaayeen, farsamo ahaan siday u xeel dheeraayeen iyo sida gumaystuhu u ahaa mid ku talaxtegay shirqoolka iyo mu’aamaradaha. Waxayse ujeedadu isugu soo biyo shubanaysay: in xog ku filan loo helo qaabkii bulsho kasta loo waafajin lahaa nidaamka gumaysi ee ku habboon iyo in ku talagal laga yeesho caqabadaha ka immaan kara ummadaha la adoonsanayo.

Si kastaba ha ahaatee, reer Galbeedku waxay soo bandhigeen siyaasado xanbaarsan xeelado halis ah, oo ay xogta Afrikaanka qayb ahaan ku heleen.

Mid kamid ah xeeladahaas waxay ahayd in gumaystuhu iska dhigay mid abuuraya oo wada xiriir ganacsi. Wuxuu bilaabay wax kala iibsi aan caadi ahayn. Taas oo ay xitaa ku jirto kala iibsiga dadka (Adoomaha). Xiriirkan wuxuu markasta gumaystuhu la yeelanayay shakhsiyaadka uu u arkayay wax-ku-ool si ujeedadiisa danbe uu ugu gogol-xaaro.

Mid kale waxay ahayd, iyaga oo isu e keysiiyay dad socdaal iskaga jira oo wax uun sahminaya, balse aan ujeeddo iyo dan gaar ahi ka hayn maamulka iyo intifaacsiga khayraadka Afrika.

Waxaa iyaduna door wayn lahayd oo muuqatay in gumaystayaasha ay hordhac u ahaayeen culimo Masiixiyiin ah. Kuwaas oo sahanna u ahaa dawladahooda, islamarkaasna hawshooda ah inay diinta Masiixiyadda fidiyaan ku garab waday.

Shiikh Shariif

Wax kasta waxbaa kasii darane; Sahmiye Talyaani ah ayaa Baargaal ku soo qaabilay xeelad kale oo khiyaamo ah, oo intaan hore usoo xusnay ka xeeldheer, taas oo gumaystuhu adeegsanayay, markii ay taariikhdu ahayd Rubicii hore ee qarnigii 20aad !

Shiikh Shariif, dabcan wuxuu reer Baargaal u ahaa muddo waqtiya wadaad muslim ah oo ilaahay la soo doontay, oo diinta islaamka kula walaaloobay. hase ahaatee, Shiikh Shariif wuxuu naftiisa iyo dalkiisaba u ahaa, isla ammintaas, sarkaal sare oo horseed u ah gumaystaha, kaas oo darsid iyo ka warbixin ku samaynayey sidii dhulka Soomaalida loo taabi lahaa.

Dadka xeebaha degan kuma anfariiraan socotada ajnebiga ah haddii ay daafta kasoo gasho. Oo waa arrin markasta dhacda in qolo marinka badda haysata, dhalankay doonto hala haatee, sabab kastana haku dhacdee, berriga soo miciin biddo iyagoo maskar-jab[1] ah. Kuwaas oo gargaar iyo soo dhowayn reer xeebeedku siiyaan, waliba haddii ay socotadaasi muslim tahay Soomaalidii hore waxay siin jireen ixtiraam iyo alaakoodin gaar ah. Martigelintu waa qayb aasaasi ah oo ka mid ah dhaqanka Soomaalida.

“Khadar Calaykum Salaam”[2]

Sahmiyahaan Talyaaniga ahi sida taariikhda lagu sheegay wuxuu kasoo degay Magaalada Caluule. Kadibna wuxuu soo abbaaray Baargaal. Wuxuu lasoo degay magac muslim oo mansab sare muujinaya “Shiikh Shariif” iyo muuqaalkiisa. Cidi nooma sheegin wuxuu ku warbixiyey markuu magaalooyinkaas yimi. Balse wuxuu sheegtay wadaad Carbeed.

Baargaal markii uu yimi wuxuu kala kulmay soo dhowayn fiican iyo xurmo wadaad, salliguuna dhigtay (ku negaaday) isagoo lib loogu hayo.

Wuxuu labo-shaarluhu[3] degay masjid la deris ah aqalka Boqorka, xaafadda Cirirood oo koonfurta magaalada ah. Dadka qaar waxay ii sheegeen in Boqorku waagii danbe guri dejiyey oo nin bidde (midiidin) ah oo u shaqeeya siiyey. Si kastaba ha’ahaatee, ninkani wuxuu helay martigelin iyo mudnaan gaar ah.

Muddo yar kadibna, wuxuu noqday Iimaanka masjidkaas, oo ahaa masaajidka koowaad. Dadku waxay isla qireen in uusan lahayn cilmi diineed oo lagu kuunyo, wuxuuse lahaa alabka culimada, luqadda Carabigana aad ayuu u aqoonaa.

Xagee Loo Qaatay?

Sanawaad badan haddii uu ahaa wadaad magaalada ka tirsan, oo sal iyo baar ka bogtay dadka iyo degaankaba, ayaa waxaa la soo gaaray ,malaha,  waqtigii hawsha basaasnimadu ugu e kayd. Waa nin qorshe iyo talo meel u yaaliine, ballan biyo-kama-dhibcaan ahna ku socdee, wuxuu ka baaraan degay tabtii uu uga bixi lahaa magaalada isagoo aan la ogaan.

Tuug wax ka xeelado badane, goor cilloon oo aan cidina arrinkiisa dan ka la hayn ayuu dusay. Wax qaaday allaa oge, goor danbe ayaa la is waydiiyey “oo wadaadki xagee loo qaatay”?

Haddii warki la isla dhexqaaday, meel wax lagu cadayn waa! “beladi soo waariday awalki hore ayaa haddana dhifsatay” ayaa hadalki ku soo ururay!

Ka Bax!  Maxaad Igu Ogayd?

Dhammaadkii 1924kii ayaa la soo gaaray. Waa goor Talyaani Xalaalaystay Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waa waqti woqooyiga wadanka uu Ingiriis la wareegay, oo Daraawish la tirtiray. Waxa kaliya ee gumaystu u micilisanayaa waa labadano Saldano ee Baargaal iyo Hobyo ka arrimiya, kuwaas oo gacantogaalayn mooyee aan wali la maquunin.

Haddii siyaasad dadban iyo afgobaadsi wax loogu yeerin jiray salaadiinta Woqooyi Bari, markan dawlada Fajiistuhu waxay rabtaa in si bareer ah loo gumeeyo dhammaan raaciyadeeda. Saraakiisha hawshan fulinaysa ayaa loo soo doortay in uu ka mid noqdo wadaadkii ‘Shiikh Shariif’ ahaa.

Ayaantii danbe, ayaa Sarkaal si wacan qaabkii ciidanka ugu lebisan oo hogaaminaya xayn ciidamo ah, ka soo degay xeebta Baargaal, wuxuu si gaar ah u abbaaray Aqalkii Boqor Cismaan.

Ismoodsiis u la e kaatay in ay tahay, noqonse wayday! Waa Shiikh Shariif oo haddii wadaadnimo, muuqaal islaamnimo, wacdi iyo diin fidin lagu ogaa, ka baxay marakan. Wuxuu ku gorgortamayaa in la haanshiiyaha dalka lagu soo wareejiyo, isagana gun loo noqdo.

Wax inna Bar! Waxna  inna Bad!

Si guud jaajuuskani wuxuu inna siiyey cashar la yaab leh oo ku saabsan sida dhagarta basaasiintu u xeeldheer tahay, oo ay u soo maraan wadooyin aan laga filayn. Muddona ay ugu qorax fadhiyaan sidii ay yoolkooda danbe u gaari la haayeen. Dhanka kale, inkastoo waqti dheer uu xurmo iyo waxtar loo gaystay ninkan haddana wuxuu qayb ka noqday dhibaatadii gabood-falka lahayd, qaxa lahayd, oo gumaysiga ku soo dhammaatay!


[1] Dad badda ku qarqooma oo naf ahaan soo badbaada

[2] Waa oraah loo isticmaalo cidii cusub wanaagna laga filaayo

[3] Qof  qaabkuu u shaqaysanaayo maahe qaab kale u qarsoon yahay

Halkan ka akhri Hordhac

Halkan Ka Akhriso Qaybta 1aad

Halkan Ka Akhriso Qaybta 2aad

Halkan Ka Akhriso Qaybtii 3aad

Halkan Ka akhriso Qaybtii 4aad

allcsayr.com

4 Comments

Filed under MAQAALO

4 responses to “QOSOL IYO QISOOYIN HORE Qaybtii 1aad W/Q Xareed Saalax Cadaawe

  1. Pingback: Qosol iyo Qisooyin Hore Qaybtii 3aad W/Q Xareed Saalax Cadaawe « Www.Allcasayr.Com

  2. Pingback: Qosol iyo Qisooyin Hore Qaybtii 2aad W/Q Eng Xareed Saalax Cadaawe « Www.Allcasayr.Com

  3. Pingback: Qosol iyo Qisooyin Hore Qaybtii 2aad W/Q Eng Xareed Saalax Cadaawe « Www.Allcasayr.Com

  4. Asc.Wr, Walaalayaal waan Idin salaamayaa salaan ka dib. waxaa dad waynaha. waxaa loo gu bishaareynayaa in dhawaan la hirgalin doono. websad cusub. oo Lamagacbaxay.www. Taageer.com.wajiga hore waxaa ku xardhan calanka buluuga ah. dhexdana waxaa ku qoran farta Taageer oo caddaan ah.websaka waa ka maddax banaan yahay siyaada, qoka wax laga sheego. waa ka Nasahanyahay xumaan oo dhan. waa wax laga soo baaraan degey. laga fakaray Qusuusan waxaa gacan ka geesan doona . dadka kala ah. 1. Abdikariim daldal. libelmi,Abdulkadir musa. wabsadkan waa ka madax banaan yahay siyaasada. wax jecleysiga, waxuu kukahaddalayaa somaliya dhibaatada haystaiyo waliba, meelha, Abaaraha ka jira sidii wax loogu qaban lahaa, islamar, Ahaantaana wabsadkaan waa ka madax banaan yahay siyaasad, Haddaba war geyskan waa maalin walbo Ayuu ku soo baxayaa. Hadduu illaah yiraahdo.waxaan u sheegayaa dad keyga Taaageer degan in wargeys la soo saari doono , wargeyskan waxaa uu ku saleesan yahay . dhacdooyinka somaliya ka dhaca, AQbaaraadka caalamka ka dhaca . Haddaba waxaa gacan ka geesan doona . Eng. Mahamed xareed Ali . ing codsigeygana waan u gudbiyey. waxaa Qoray, Libelmi. waxaan idin leeyahay sidaa iyo nabad gelyo. iyo waxaad filataan websedka. cusub oo la magacbaxay, Taageer .dad keygiyoo waxaa idiin kagatagey barwaaqo , horumar , caafimaad. wax qabad . sidaas iyo nabad gelyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s