Dab Ka Kacay Isbitaalka Puntland ee Magaalada Bosaaso

Waxaa duhurnimadii maanta dab ka kacay qayb ka mid ah Isbitaalka gaarka ah ee Puntland Hospital ee ku taalla galbeedka magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dabka ayaa ka kacay qaybta hoose ee Isbitaalka gaar ahaan qolalka keydka daawooyinka,waxaana uu ahaa mid aan sidaas oo xooganayn.

Waxaana durbadiiba halkaas gaaray Ciidanka dab demiska ee Dowladda Hoose kuwa oo watay gaariga dab demiska iyadoo ay sameyeen dadaalo ay ku daminaayeen dabkaas oo aan ilaa iyo hada la ogeyn khasaaraha dabta ah ee ka dhashey.

Maamulka Isbitaalka ayaa iyagu weli ka hadlin dabkaan qaabka uu ku kacay oo la isweydiinaayo.

Xilliga uu dabka kacaayay ayaa waxaa jiifay qaybaha kale ee uu isbitaalka ka koobanyahay bukaano kala duwan oo arimo caafimaad u jooga,balse dabka ma uusan gaarin qaybtaas.

Dabka ayaa saacado kooban ka dib lagu guuleystay damintiisa.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s