Ra,iisul Wasaaraha Somalia ayaa soo Magacaabi doona Xukuumad Cusub

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa in maalmahan uu magacaabo gole wasaaradeed oo cusub, kaasoo ay ka dhexmuuqdaan xubno ka tirsan Culummaa’udiinka Ahlusunna Walajamaaca.

Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay allcasayr  in isbadalka lagu sameynayo Xukuumadda Soomaaliya uu gun dhig u yahay sidii lagu meelmarin lahaa heshiiskii awood-qaybisga ahaa ee ay horay u kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Ahusunna Waljamaaca.

Magacaabidda Golahan wasaaradeed ee cusub oo aan si dhab ah loo ogeyn tiradooda ayaa waxaa lagu waday inuu Ra’iisul wasaaruhu ku dhawaaqo shalay, balse waxaa la sheegay inay dib ugu dhacday sababo farsamo.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda hadda ayaa waynaya xilalka ay hayaan, kuwaasoo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Sheekh C/raxmaan Maxamuud Janaqoow.

Golaha xusub ee Xukuumadda lagu dhawaaqyo ayaa waxaa ku jira Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo xil Wasiirnimo kasoo qabtay Dowladdii Nuur Cadde iyo Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo isaguna ka socda dhinaca Ahlusunna.

Warar hoose ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqidda golaha wasiirrada ee cusub ay sababtay iyadoo qaar ka mid ah Madaxda Ahlusunna ay codsadeen inay ka qaybgalaan xafladda magacaabidda golaha wasiirro ee cusub.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s