Mudanayaasha oo manta ku kulmay xarunta G/shacabka ee Muqdisho. SAWIRRO.

Mudaneyaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Kulan looga hadlayo dib u eegidda Xeer hoosaadka Baarlamaanka ku yeeshay xarunta Golaha Shacbiga ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan ay maanta Mudaneyaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden oo dhiniciisa Midig fadhiyay Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka mudane Cabdul waaxid Sheekh Muudey.

Waxaana kulankaasi looga hadlayay Ajende ku saabsan dib u eegidda Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay soo xaadireen 309-Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanno faro badan ayaa madasha shirka ka soo jeediyay Talooyin ku aadan dib u eegidda Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Mudaneyaashaasi ka mid ahaa Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka codsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya in uu Guddi u saaro Dib u eegidda Xeer hoosaadka Baarlamaanka si loo dardar geliyo Howlaha Baarlamaanka islamarkaasna uu Maalin kasto fadhi yeesho Baarlamaanka marka laga reebo Maalinta Jimcada.

Sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa talo ahaan ku soo jeediyay in dib loo saxo Guddi Hoosaadyada.Xoghayada iyo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo gebogebadii Kulankaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay talooyin soo uruurin doonaan Guddiyada Anshaxa iyo Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaasna lagu kordhin doono Sharci yaqaanno kale si xal looga gaaro Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa dhinaca kale Hambalyo u diray Dowladda Jabuuti iyo Shacbigeeda maadaama ay maanta ku beegantahay 27-June Maalinta Xuriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Maalinta Berito ah ayaa lagu wadaa in ay Mudaneyaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya 8-da Subaxnimo kulan ku qaataan Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed si loo go’aamiyo Guddiga Dib u eegaya Xeer hoosaadka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sawirada radio Muqdisho

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s