Beeldaaje Ismaacil beeldaaje Yaasin Iyo Xildhibaan Bile Maxamuud Oo Baaq Nabadeed Ujeediyey Beelo Ku Dagaalamay Degaanka Uurjire

Beeldajaha Cal-Bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje yasin ayaa baaq nabadeed ujeediyey Beelo walaalo ah oo dhowaan ku dirriray degaano hoos tega gobolka Karkaar gaar ahaan degaanka Uurjire.

Baaq u soo saaray Beeldajahaa ayaa  ka codsaday labada beelood ee ku dagaalamay degaankaas in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka isla markaana heshiiyaan.

Beeldaaje ismaacil ayaa sidoo kale baaqiisa ku sheegay in dagaalka dhexmaray labada Beelood uu yahay mid aan loo baahnayn.

Xildhibaan Bile Maxamuud yuusuf ayaa baaq u jeediyay beelaha walaalaha ah in ay joojiyaan dagaalka foshan xun ee ka soconaya degaakaas xildhibaanka ayaa u waramaayay idaacada daljie ayaa intaa ku daray in aysan dhaqan u lahayn dadka degaankan waxyaabaha dhacaya wuxuuna  muujiyay in rajo wayn uu ka qabo in dagaalkan uu istaago.

Degaanka Uurjire ee hoos tegta degmada Rako ee gobolka Karkaar ayaa ka dhacay dagaal beeleed,waxaana durbadiiba halkaas gaaray wefdi ka socda Dowladda Puntland gaar ahaan gobolka Karkaar iyo gobolka Bari oo kala dhexgalay Beelahaas.waxaana weli socda dadaalada nabadeed ee lagu doonaayo in lagu qaboojiyo dagaalka dhexmaray.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s