Wararkii ugu danbeeyay doroshooyinka ka soconaya somaliland

Waxaa deegaanada Soomaaliland ka socda Doorashooyinka madaxtinimada, ayadoo si weyn ay dadka maanta isugu soo baxeen magaalooyinka waaweyn ee ugu horeysa magaalada Hargeysa, ee xarunta Soomaaliland

Doorashooyinka Soomaaliland ayaa lagu wadaa inay codkooda ku dhiibtaan 1 milyan oo qof ayagoo codkooda ka bixinaya in ka badan 1000 goobood oo codbixin oo ku yaal gobalada Soomaaliland hoostaga, ayadoo magaalada Hargeysa oo kaliya ay ku yaalaan 190 goobood oo codbixin.

Hogaamiyaasha Xisbiyada u tartamaya hogaanka Somaliland ee UDUB, UCID iyo Kulmiye ayaa dhamaantood codkooda ka dhiibtay xarunta Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, ayagoo dhamaantood u baaqay in shacabka codka dhiiban kara inay codkooda dhiibtaan, ayagoo doorashadan ku tilmaamay midii ugu muhiimsaneyd ee deegaanada Soomaaliland ka dhaca.

Madaxweynaha Soomaaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa kadib markii uu codka dhiibtay ugu baaqay shacabka inay si weyn uga qeyb qaataan doorashada, asagoo sheegay in doorashooyinka oo si habsi ah u dhaca ay soo dadajin karto aqoonsiga caalamiga ee Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland.

Amniga ayaa si weyn loo adkeeyey magaalada Hargeysa, ayadoo gebi ahaanba la diiday in gaadiidka shacabka ay magaalada dhex maraan, marka laga reebo gaadiidka amniga iyo mas’uuliyiinta Dowlada.

Qof walba oo horey isu diiwaan geliyey ayaa heysta kaarka codeynta, asagoo codkiisa ka dhiiban kara oo kaliya goobtii uu horey isaga diiwaangeshay, qofka markuu codkiisa dhiibo, ayaa waxaa farta loo darayaa khad buluug ah oo astaan u ah in qofkaasi uu codkiisa dhiibtay.

Doorashada gobalada ka dhacay ayaa intooda badan illaa iyo hada aan wax dhibaato ah laga soo sheegin, marka laga reebo gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn, oo ay doorashooyinka Soomaliland ka wada dhicin, ayadoo qeybo kamid ah gobalka Sanaag Sanaadiikhdii Somaliland ay ka hor joogsadeen ciidamada Puntland, halka gobalada Sool iyo Cayn ay dagaalyahanada SSC kula wareegeen sanaadiikhdii halkaasi loo waday, ayadoo dagaalo ka dhacay nawaaxiga Widh Widh ee gobalka Cayn iyo Kalabeyr oo ka tirsan Sool ay ku dhinteen xubno ka socday guddiga Doorashada Somaliland.

Maanta oo ku beegan 26ka June ayaa ah 50 guuradii kasoo wareegtay markii gobalada Waqooyi ee dalka Soomaaliya xoriyada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayadoo doorashooyinkan astaanta u ah gooni isu taaga Soomaaliland lagu soo beegay maalintan taariikhiga ah oo hore.

allacasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s