Ogeysiis allcasayr.com waxa uu idin soo gudbindoonaa maqaalo taxane ah kuwaas oo ku saabsan Qosol Iyo QisooyinW/Q Xareed saalax Cadaawe

Waa maqaallo taxane ah oo si  xiriir ah ugu soo bixi doona allcasayr.com. waxay si teelteel ah u hoga-tusaalayn doonaan waayo-waayo iyo taariikh hore oo deegaanka Casayr soo maray, inta  badan,  ka hor xilligii gobanimada (1960aadkii).

Ma noqon doonaan Maqaallo si tifaftiran uga sheekeeya taariikhda milgaha iyo miisaanka leh ee Casayrland leedahay, taas oo u baahan xog-ogaalnimmo buuxda iyo dadaal inta ka ballaaran. Waxayse si madadaalo ah u iftiimin doonaan dhacdooyin ku quban sooyaalka deegaanka ilbaxnimada (Casayrland).

Dhacdooyinkan oo aan midba mar qaadaa dhigi doono, taariikhda ay xanbaarsan yihiin ka sokow, waxay waqtigoodii noqdeen maad iyo qosol lagu bulsheeyo! Saw markaas kuma qumana  in wixii awoowayaasheen la fixleeyeen1, inana aan markeena xusuus taariikheed iyo nasasho ka dhigano?

Xaashaa lilaahiye, sidaan horeba uga afeeftay, Maad iyo Qosol ka dhigan mayno taariikhda mudanka ah, waxna halkan  kaga sheegi mayno rag doorkii lahaa: Boqor Cismaan, Cumar Samatar, Keenodiid, Cabdalle Afduubeed, Cali Faahiye, Maxamed Xuseen, Hartibile iyo  akhiyaartii ilbaxnimada ganacsiga horseeday ama buuniyadii aasaaska u noqday fiditaanka culuumta kala gedisan. Sidoo kale ku maadaysan mayno maqaawiiirtii iyo nafhurayaashii ku lee’day dagaaladii jihaadka iyo gunimadiidka ahaa ee Baargaal iyo Tooxin ku burbureen, ee October 1924kii ilaa 1925kii.

 

Maxaan uga jeedaa haddaba qoraaladan?

Labo ujeedo oo kala duwan ayaa ii muuqda! Kuwaas oo akhristayaashu u baahan yihiin. Midda hore waxay tahay in si guud loo wada fahmo in deegaanku uusan ahayn shalay-dhalay2 ay hal mar u toostay sida deegaamada qaarkood. Midda labaadna waa in allcasayr.com laga helaa akhris xiiso iyo madadaalo leh oo ka baxsan wararka iyo siyaasada caana-beeshay.

Ugu danbayntii, sheekooyinka aan soo gudbin doonaa ma aha kuwo aan goobjoog u ahaa, sidaa awgeed, waxbaa ka khaldanaan kara, waxaan markaas, si niyad ah, u soo dhowaynayaa cidii saxitaan u haysa. Waxaan kale oo Ilaah ka baryayaa in uu iga dhaafo wixi aan ku gafo.

Xareed Saalax Cadaawe

allcasayr.com

4 Comments

Filed under NEWS

4 responses to “Ogeysiis allcasayr.com waxa uu idin soo gudbindoonaa maqaalo taxane ah kuwaas oo ku saabsan Qosol Iyo QisooyinW/Q Xareed saalax Cadaawe

  1. Pingback: QOSOL IYO QISOOYIN HORE Qaybtii 1aad W/Q Xareed Saalax Cadaawe « Www.Allcasayr.Com

  2. Pingback: QOSOL IYO QISOOYIN HORE Qaybtii 1aad W/Q Eng.Xareed Saalax Cadaawe « Www.Allcasayr.Com

  3. Pingback: Qosol iyo Qisooyin Hore Qaybtii 2aad W/Q Eng Xareed Saalax Cadaawe « Www.Allcasayr.Com

  4. Pingback: QOSOL IYO QISOOYIN HORE Qaybtii 1aad W/Q Xareed Saalax Cadaawe « Www.Allcasayr.Com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s