Taliska Booliska Bosaaso o sheegay in ruux loo qabtay Qarax lagu weeraray Ciidamada Puntland

Taliye ku xigeenka Qaybta Boliska Bosaaso Cawil ilko dahab oo si gaar ah ula hadlaywarbahainta  ayaa sheegay in Qaraxii xalay ka dhacay degmada uu ku geeriyooday mid ka mid ah Ciidankii la weeraray ,isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray 7 kale.

Waxaa kaloo uu sheegay taliyaha in uu jiro hal ruux oo loo qaybtay qaraxii askarta lagu weeraray,waxaana uu intaa ku daray in maxkamada la soo taagi doono maalmaha soo socda.

Taliyaha ayaa ku tilmaamay Falkan in uu ahaa mid khasaare badan gaystay ,Waxaana uu sheegay in ay soo abaabuleen dad u dhashay deegaanka oo la wada garanayo.

Ruuxa loo qabtay Qaraxii Xalay waa mid lagu hayo cadaymo rasmi ah ,askarta ayuuna u hanjabay maalin ka hor ,marka maxkamada ayaa la hor keeni doonaa ” ayuu yiri Taliyaha isaga oo ku sugan Bosaso.

Cawil ilko dahab Taliye ku xigeenka qaybta Boliska Bosaaso ayaa sheegay in ay jiri doonaan howlgalo wax looga qabanayo amniga degmada oo ay kiisas kala duwan ka dhaceen.

Dhinaca kale Guriga gobolka ee Bosaso waxaa maanta lagu qaybtay kulan ay ka qayb galeen 21 mudane oo ka tirsan Barlamanka Puntland ,Isimo ,Nabadoono,Salaadiin iyo qaybaha kala duwan ee hogaanka Bulsahada ,Waxaana lagu soo hadal qaaday amni xumada gobolka ka jirta.

Inta ay joogaan Mudanyaashan ka socda ayaa lagu wadaa in la qabto shirar gooni gooni ah oo looga wada xaajoonayo dilalkii Gobolka ka dhacay bilihii la soo dhaafay.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s