Qarax Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Geystay oo ka dhacay Bosaso

Waxaa gelinkii dambe ee maanta qarax nooca bam gacmeedka ah lala beegsaday Ciidan ka tirsan kuwa amniga ee Dowladda Puntland,qaraxa ayaa ka dhacay wadada dheer ee laamiga gaar ahaan agagaarka Hoteelka Khaliij ee u dhow Shirkada Isgaarsiinta ee Golis.

Wararka ayaa sheegaaya in Ciidanka lala beegsaday qaraxa ay ka yimaadeen degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana ay saarnaayeen gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Waaraadka.

Qaraxa ka dib Ciidanka waxaa ay fureen rasaas,waxaana sidoo kale agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay laga qab qabtay oo la xiray dadka ku sugnaa goobtaas.

Khasaaro culus ayaa gaarey ciidanka qaraxa lala beegsaday,waxaana ilaa iyo 8-askari la geeyey Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso oo halkaas lagu dabiibaayo.

Sidoo kale waxaa geeriyooday askari kale oo isagu dhaawac culus soo gaarey kaas oo la geeyey Isbitaalka gaarka ah ee Puntland, askarigaasi ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s