Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya oo sheegtay in lasii daynayno maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya C/qani Maxamed Wacays ayaa sheegay in Dowladda Liibiya ay qorsheynayso inay siidayso maxaabiista ku xiran xabsiyada dalkeeda, kuwaasoo la qabtay iyagoo isku dayay inay isaga gubaan dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Wuxuu safiirku sheegay in Dowladda Liibiya aysan doonayn in dhalllinyaradaan marka laga siidaayo xabsiyad ay galaan dalka si ay u qorsheeyaan inay mar kale badda galaan, balse la qorsheynahyo in dib loogu celinayo Soomaaliya, ayna ka dalbanayaan waalidiinta dhalay inay soo dirsadaan qarashaadkii dib loogu celin lahaa.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ku xiran in ka badan 300-dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasoo doonayay isugu jira rag iyo dumar la qabqabtay iyagoo qaab tahriib ahaan ah uga baxayay dalka Liibiya kuna socday dalka Taliyaaniga.

Safiirku wuxuu sheegay inaysan jirin wax jidillo ah oo loo geystay caruurtaas ku jira xabsiyada dalka Liibiya, iyadoo horay maxaabiis ka mid ah dhallinyaradaas ay sheegeen in loo geyso dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin jirdilo iyo iyagoo aan la siin cunno ku filan.

Hadalka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maalin ka hor looga dalbaadagay Caalamka Maalinta Qoxootiga Adduunka, waxaana Soomaalida Qoxootiga ku ah dalalka Caalamka qaarkood ay xaaladaha ay ku nool yihiin.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s