R/wasaaraha Ethiopia oo ka hadlay arimaha Soomaaliya.

R/wasaaraha wadanka Ethiopia Meles Sanawi ayaa  waxa uu si aad ah ugu hadlay xaaladda ka taagan wadanka Soomaliya iyo dagaalada ay Al qaacida ka wado  gudaha wadanka   Soomaliya,  waxa uuuna beesha caalamka ugu baaqay in ay taageeraan dowladda KMG ah ee Soomaaliya,  taasna ay tahay ayuu yiri wadada kaliya ee xal loogu heli karo dhibaatada iyo dagaalada kooxaha argagaxisada ah ay ka wadaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Mr Meles ayaa ku waramay  in dowladda Soomaaliya ay waday Dadaalo ay wax uga badalayso ammaanka iyo arimaha la xariira, hayeeshee caalamka laga sugayo in ay  gacan ka geeystaan soo celinta ammaanka iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya, iyo sidoo kale la dagaalanka kooxaha ammaandarida ka wada  gobolka geeska Africa.

Waxa uu sheegay in dhibaatada kooxahaani kaliya aysan ku ekaan doonin gudaha wadanka Soomaaliya laakiinse ay caalamka oo dhan amaankiisa ay wax u dhibayso, hadii aan si deg deg ah wax looga qaban.

“dowladda Soomaaliya waxa ay sameysay xoogaa horumar dhinacya badan ah, laakinse waxaa jira dagaalo carqaladayn ah oo kooxahaasi wadaan, kuwaas oo  sheegtay in aysan nabad doonayn marka laga reebo in ay qabsdaan guud ahaan gobolka  oo dhan” ayuu hadakiisa ku soo geba gebeeyay R/wasaaraha wadanka Rthiopia Meles Sanaawi.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s