Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo Xabsi Guri ku jira

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ka mid ahaa wasiiradii dhawaan xilka iska casilay ayaa lagu soo waramayaa in uu ku jiro Xabsi Guri. Qaar ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada oo ka gaabsaday in magacooda la soo xigto ayaa waayaha.net u xaqiijiyay in Yuusuf Indha Cadde is faham daro soo kala dhex galay isaga iyo saraakiisha AMISOM.

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in Yuusuf Indha cadde laga warhelay isaga oo doonayay in si dhuumaaleysi ah uga amba baxo Magaalada Muqdisho.

“Yuusuf Indha cadde hada xabsi guri ayuu ku jiraa waxaana laga warhelay isaga oo si dhuumaaleysi ah magaalada uga bixi raba”ayuu yiri sarkaalka.

Mar uu ka hadlayay sababta indha Cadde loo xiray iyo waliba halka dhab ahaan ku sii jeeday ayaa Yiri.

“waxaa lagu xiray isaga oo ka dhaga adeegay in hubkiisa iyo ciidanka soo wareejiyo maadaama xilka isaga casilay lana ogaaday isaga oo ku sii jeeda qeybo ka mid ah gobolada dhexe oo ay maamulaan ahlu Sunna”ayuu yiri sarkaalka.

Yuusuf Indha Cadde ayaa dhawaan iska casilay xilka wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga isaga oo dowlada ku eedeeyay wax qabad la’aan isla markaana uusan dib dambe xil uga qaban doonin.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s