Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo saakay lagu arkayo Guud ahaan Magaalada Beledwayne Iyo Xisbul Islaam Kala firxaday

Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa saakay ku waabariistay Ciidamo aad u hubeysan iyo gadiidka dagaalka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo meel walba taagan gaar ahaan qeybo markii hore ururka Xisbul Islaam uu ka joogay Magaalada sida Xarunta Goballka iyo Xabsiga Magaalada.

Dhab ahaan lama garanayo sababta Xoogagga Al-shabaab saakay ula wareegeen goobihii markii hore ay magaalada ka maamulayeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam, laakiin  warar hoose oo laga helayo Ilo
Xog-ogaal ah ayaa ka hadllaya suurtagalnimada in Xoogagga Al-shabaab la wareegaan dhamaan Xaafadaha Magaalada Beledweyne oo markii hore intooda badan gacanta ugu jirra Maamulka Ururka Xisbul Islaam.

Isbadalka saakay ka muuqda goobihii markii hore ay gacanta ku hayeen Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegamaya xili labo maalmood ka hor ay magaalada isaga tageen Mas’uuliyiintii
sar sare ee Maamulka Ururka oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii Ururka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan  Shuuriye Faarax Sabriye kuwaasoo la sheegay in ay u socdaaleen dhinaca Magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma’jiro wax war ah oo ay Warbaahinta siiyeen Saraakiisha Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab si wax badan looga ogaado dhaq dhaqaaqa socda, waxaana xusid mudan in talaabadan ku soo beegantay waqti yar uun kadib markii uu dhawaan Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Jalalaqsi ku dhawaaqay in uu ku biiray Xarrakada Al-shabaab islamarkaana ay hoostagayaan wixii hadda ka danbeeya  Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s