Kooxo dablay ah oo maanta duhurkii toogasho ku dilay ku xigeenkii Xeer ilaaliyaha guude ee Maxkamada Boosaaso

Kooxo dabley ah ayaa maanta duhurkii bartamaha magaalada ku toogtay ku xigeenkii xeer ilaaliyihii guud ee maxkamada darajada koowaad ee Boosaaso, xili uu ka soo baxay shaqadiisa.

Cali Jaamac Qalas xeer ilaaliyihii Maxkamada Darajada koowaad ee Boosaaso ayaa u dhintay Rasaastii lala dhacay ,taasi oo ka haleeshay madaxa iyo shafka.

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ayaa lagu toogtay bartamaha suuqa sarifka ,waxaana dilkiisa fuliyay rag afka soo duubtay, iyadoo sidoo kalena  uu geeriyooday mid ka mid ah sariflayada Bosaaso.

Mid ka mid ah ilaaladii  ku xigeenkii xeer ilaaliyaha ayaa ku dhaawacmay tacshiiradaasi,waxaana loola cararay Cisbitalka Boosaaso,si xaaladdiisa Caafimaad loo dabiibo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska degmada ayaa markii danbe soo gaaray halka uu dilka ka dhacay,waxaana goobta ka baxsaday gacan-ku-dhiiglayaashii dilka fuliyay

Maamulka Gobolka ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin dilka loo gaystay xeer ilaaliyihii Maxkamadda Boosaaso,waana dilkii labaad oo loo gaysto Masuuliyiinta ugu sarraysa Maxkamadda Gobolka.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s