Ban Ki Moon oo ergay cusub u soo magacaabay Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Dalka Somaliya u soo Magacaabay ergay cusub kaasi oo bedelaya ergagii hore ee Q.M u qaabilsanaa Somaliya iyadoo dhinaca kale uu qudbad u jeediyay ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Burundi oo Loo soo dirayo.

Sida uu ku dhawaqay afhayeen u hadlay Q/midoobay xoghayaha guud ee Q.midoobay ayaa Ergay cusub u soo magacaabay wadanka Soomaaliya kaas oo lagu magacaabo Augostine Mahinga , waxa uuna badelidoonaa Axmed Walda C/lle oo xilkaasi hayay mudo sedex sano ah .

mr Mahinga oo ah Ergaygaan ay Q.midoobay u soo wakiilatay wadanka Soomaaliya ayaa waxaa uu u dhashay wadanka Tanzania isagoo u qaabilsanaa Q,midoobay .

Augostine ayaa sidoo kale ka soo shaqeeyay islamarkaana soo qabtay jagooyin muhiim ah oo Q.midoobay howlaheeda ka mid ah, sida xafiiska hay’adaha qaxootiga aduunka ee UNHCR,  gaar ahaan howlgalka wadanka Liberia oo uu u qaabilsanaa isku daba ridaha iyo ku xigeenka agaasimaha arimaha gargaarka iyo xasaradaha qaxootiga .

Wax uu sidoo kale ahaa wakiilka hay’adaasi ee wadamada India , Talyaaniga iyo Malta waxaana haatan loo magacaabay wadanka Soomaaliya in uu ka noqdo Ergayga Q.midoobay u qaabilsan.

Ergagii hore ee la badalay Axmaduu Woulda C/lla ayaa xilkaasi hayay mudo sadex sano ku dhow, waxaana intii uu xilkaasi hayay uu gacan ka geestay arimaha dib u heshiisiinta ee wadanka Soomaaliya gaar ahaan heshiiskii Jabuuti oo lagu soo dhisay dowldda KMG ah ee Soomaaliya ee haatan wadanka ka jirta.

Dhinaca kale xoghaya guud ee Q.midoobay Mr Bankii Moon oo safar maalmihii danbe ku marayay wadamada Uganda iyo Burundi ayaa hadal u jeediyay ciidamo ilaa iyo hal battalion ah, kuwaas oo loogu talagalay in ay ka mid noqdaan ciidamada Amisom

Mr Moon oo uu wehliyo wasiikra difaaca ee dowldda Burundi General Germain Niyoyonka ayaa waxa ay ciidamada kula dardarmeen in ay howlahood si wanaagsan u gudtaan.

Waxaana lasheegay in ciidamadaasi ay buuxin doonan tirade loogu talagay ciidamda Amison ee horay lo qorsheeyay in ay lagaarsiiyo 8 kun oo askeri .

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s