Maamulka Gobolka Bari oo kala Dhex Galay Maleeshiyaad ku Dagaalamay Dhul Daaqsin ku yaala Deegaanka Dharoor

Dagaalkan ayaa ka bilowday dhul daaqsin ku yaala deegaanka dharoor ee Gobolka Bari, waxaana la sheegay in uu gaystay khasaarooyin kala duwan
.
Godoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo Booqosho ku tagay deegaankaasi ayaa sheegay in iminka la kala dhexgalay dhinacyada dagaalamay oo ah beello halkaasi wada dega.

Waxa uu sheegay Godoomiyaha in dagaaladaasi aysan jirin cid ku geeriyootay ,Balse ay ku dhaawacmeen dhowr oo qof kasoo kala jeeda labada dhinac,Waxaana uu intaa ku daray in iminka ay xaaladu dagantahay.

Digniin ayaan siinay dhinacyada is haya, waxaana lagu guulaystay in la kala qaado Maleeshiyaadkii dagaalamay ” ayuu yiri Godoomiyaha isaga oo ku sugan deegaanka Dharoor oo ah halku uu dagaalku ka dhacay.

Waxaa Godoomiyaha Safarka uu ku tagay deegaanka dharoor ku wehliya xubno ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland si ay uga qayb qaataan daminta Colaada halka ka soo cusboonaatay.

Maamulka Gobolka Bari ayaa ka digay dagaalo mar kale soo cusboonaada halkaasi ,waxaana inta badan Gobolka bari ka dhaca dagaalo la xiriir dhinac Daaqsinka oo inta badan khasaarooyin badan gaysta.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s