Madaxwaynaha Puntland oo Sheegay in Dowlada Itoobiya Lagula Xisaabtami Doono Rabashidihii Buuhoodle ,kana Warbixiyay Safaradii uu ku Maqnaa ee Dalka Dibadiisa

Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdi Rixmaaan Faroolle oo shalay Soo gaaray Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa ka hadlay Rabshado dhawaan ka dhacay degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Waxaa uu sheegay madaxwayne Faroolle in tacsi uu u dirayo dadkii ku geeriyooday rabshahdihii Buuhoodle ka dhacay ,isla markaana waxa UU ku amaanay dadka deegaankaasi in ay nabada jecelyihiin.
Madaxwayne Faroolle ayaa sheegay in dowlada Itoobiya lagula xisaabtami doono khasaarihii ka dhashay Buuhoodle ,Waxaana uu intaa ku daray in Gobolka Cayn uu ka tirsan yahay Puntland.

Waxaanu ognahay in cida ka dambaysa dagaalada Buuhoodle ay ku xunyhiin hormar ay gaaraaan shacabka deegaankaasi oo ah shacab ay Qarannimo ku duugantahay “ayuu yiri Madaxwaynaha oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyada Garowe.

Dhinaca kale madaxwaynaha ayaa sheegay in safaradii uu ku soo maray dalka dibadiisa ay dhamaantood ku soo dhamaadeen Guul ,isla markaana Puntland laga taageeri doono dhinacyo badan.

Ugu danbayntii Madaxwayne Faroolle ayaa ku booriyay Shacabka in ay ka shaqeeyaan amaanka ,xilli ay jiraan Caqbado badan oo Mamulka horyaala.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s