Gudoomiyaha Barlamanka oo Nairobi kula kulmaya Hey’adaha Samafalka.

Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Kenya ayaa lagu wadaa in maanta uu kulamo la yeesho qaar ka mid ah Hey’adaha Q.midoobay.

Mudane Shariif Xasan Sh.Aadan gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay ka anba baxay magaalada Muqdisho isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo  xildhibaano ah islamarkaana gaaray magaalda Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta la filayaa in ay  kulamo la qaataan madaxda hay’adaha deeqaha bixiya ee Q.midoobay, kuwaa uu gudoomiyuhu kala hadli doono arimo ay ka midyihiin mushaaraadka mudanaayaasha Baarlamaanka qaabkii loo bixin lahaa iyo xaaladaha bani’aadanimada ee ka taagan wadanka Soomaaliya .

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya mudane Maxamed Cali Ameriko  oo warbaahinta u waramayay ayaa  ka warbixiyay kulamada maanta gudoomiyiha u qorshaysan .

Sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya mudane shariif Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi waxaa uu shirar la qaadan doonaa mas’uuliyiin iyo madax kale oo ka mid  ah mas’uuliyiinta dowladda Kenya .

Safarkaan gudoomiyaha Barlamaanka uu ku tegay wadanka Kenya ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu dabada ugu baxo, tan iyo markii dhowaan xilkaasi loo doortay , waxaana uu ku soo aadayaa xilli Baarlamaanka Soomaaliya uu ku guuleeystay dhameeystirka kuxigeenada gudoomiya Baarlamanka.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s