Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Xalay Lagu Toogtay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Kooxo dablay ah ayaa xalay degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ku toogay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Puntland ,xilli uu halkaasi ku sugnaa.

Wararka laga helayo deegaanka lagu dilay sarkaalkaasi ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay u tababari jiray Ciidanka ku xaraysan xerada Abqaale ee Puntland ,Waxaana uu ku magac dheeraa Cali Dhabareey.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay in marxuumka loo dilay aano Qabiil oo la xiriirta xildhibaan ka tirsanaa Barlamanka Puntland oo horey loogu dilay Gobolka.

Degmada Xarfo ayaa maanta laga dareemayaa Cabsi la xiriita dilka halkaasi ka dhacay,Waxaana lagu wadaa in deegaankaasi ay gaaraan Ciidamo ka tirsan Dowlada si ay wax uga qabtaan kiiska halkaasi ka dhacay.
Odayaal ka tirsan deegaanka Xarfo ayaa la sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii dilka gaystay oo la sheegay in ay ku carareen howdka Fog ee Gobolka Mudug.

Ugu danbayntii ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka oo la xiriirta dilka loo gaystay sarkaalkan ,mana ahan markii ugu horaysay oo dil noocaan oo kale ah loo gaysto saraakiisha sar sare ee Ciidamada daraawiishta Puntland.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s