Xaflad Si balaaran loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Machadka Xifdinta quraanka ee Degmada Baargaal Taasoo Shahaadooyin Lagu Gudoonsiinaayay Ardaydii kaalmaha kowaad ka Gashay Xifdinta Quraanka kariimka.(Daawo sawiro).

Waxaa galabta lagu qabtay Machadka xifdinta quraanka Aw-Cumar ee ku yaala bartamaha magaalada baargaal xaflad qalin jabin ah oo ay ka soo  qaaybagaleen dad aad ubadan laguna gudoonsiinayay  shahaadooyin iyo abaalmarinno kala duwan ardaydaas oo ay tiradoodu ahayd 175 arday.

ugu horaayn waxa hakaas barnaamijyo xiiso leh ka jeediyay ardaydii . kadib markii  uu dhamaaday barnaamijkii ardaydu waxaa xafladda kahadlay qaar kamida culimada waawayn iyo odayaasha degmada baargaal.

ugu horaayn waxa halkaa hadal aad u qiimo badan kajeeduyay..nabadoon Cumar Siciid Sharmaarka oo kamid ah nabadoonada degmada baargaal.

waxauu nabadoonku kadib markii uu  umahad naqay macalimiinta machadka, aad udhiirrigaliyay barashada quraanka kana faa idaaystaan wakhtiga,dhalin yarnimada,iyo barashada xifdinta quraanka  ah waxana uu tilmaamay in ay dhallinyaradu maanta  haastaan fursad ayna haaysanin dadkii  hore ee saxwadu waxa uu kusoo gabagabeeya nabadoonku inaan hamiga layaraayn  kuna ducaaysataan buuyidhi cilmiga siyaadadiisa.

waxa isna hadal aad uqiimo badan ka jeeday xaflada nabadoon axmed salaad cabdiraxmaan  oo ah nabadoonada degmada ayaa isna ka hadlay taariikhda waxbarasho ee degmada baargaal isagoona sheegay in culimada ugu waayayn somalia intooda badan ay wax ku barteen baargaal isla maarkana ay dad badan baargaal u iman jireen in ay wax ka bartaan. wuxuu mahad gaar ah u soo jeediyay maamulka machadka diiniga ee aw-cumar.

waxa isna halkaa kahadlay sh Cabdilaahi maxmuud saalax oo ku hadlayay afka maamulka machadka waxaana uu sheegay in machadku soo kordhiyay labaqodob oo aha soonoolaaynta xalaqaadka cilmiga iyo soo saarista dad  xifdisan quraanka,ka dhisan akhlaaqda.

Gabagabadii waxa goobtaa lagu gudoonsiiyay shahaadooyin ardaydii qalin jabinaaysay sidoo kale waxaay ardaydu shahaadooyin gudoonsiiyeen nabadoon axmed salaad.

Eng.Cabdi shabeelo

baargaal

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s