Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka, waxaana lagu doortay doorasho socotay muddo 8 saacadood ah (10:00am–6:00pm).

Jagada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo uu horay u hayay Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxaa isu soo sharaxay xildhibaano dhowr ah, kuwaasi oo mid kaliya ay ka ahayd haweeney (Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa waxaa u tartamay 9 mudane, kuwaasi oo ay wareeggii 2aad isugu soo hareen 4 mudane, halka wareeggii ugu dambeeyayna ay isugu soo hareen labo Mudane oo kala ahaa C/weli Shiikh Ibraahim Muudey oo doorashada ku guuleystay  iyo Khadiijo Maxamed Diiriye.

C/weli Shiikh Ibraahim Muudey ayaa wuxuu helay 192 mudane, halka Khadiijo Maxamed Diiriye ay ka heshay 130 mudane. C/weli ayaa wuxuu ka mid yahay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, halka Khadiijo Maxamed Diiriye ay isku ahayd Xildhibaan iyo Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, walow ay xilka Wasiirnimo iska casilay markii ay xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ay isu soo sharaxday.

Kulanka oo ay fadhiyeen 325 waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Xasan Shiikh Aadan oo xilkaas maalmo ka hor loo doortay, wuxuuna ka dhacay xarunta Golaha Shacabka oo Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu doortay.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dhaariyay isla goobtii lagu doortay ayaa hadal uu jeediyay doorashadiisa kaddib wuxuu mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in ay la shaqeeyaan Guddoon Baarlamaan ahaan. Waxaa xusid mudan in xarunta Baarlamaanka uu joogay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Dalxa oo isagu doorashadan ku tilmaamay mid aan sharci ahayn maadaama uusan iska casilay xilkii uu hayay. Maalinta berry ah ayaa la dooran doonaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu horay u hayay Cusmaan Cilmi Boqorre oo isagu horay isaga casilay jagada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s