Shir ay Soo Qabanqaabiyeen CYU Kaa Soo Lagu Soodhawenayay Taliyaha Ciidanka Ee Gobalka Casayrland G/S Maxamed Xirsi Cumar Samatar Ayaa Ka dhacay Xafiiska CYU Ee Bosaaso(Daawo Sawiro)

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyen ururka dhalinyarada Casayrland ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta CYU Somalia (Bosaso) maanta oo taariikhdu ahayd 04-06-2010, waxaana lagaga hadlayay Xaaladda guud ee gobalka  iyo Amni ee Gobolka Casayrland Somalia.

Kulankan ayaa ahaa mid xasaasi ah oo laba geesood ahaa ayaa waxaa lagu gorfeeyay arrimo badan oo khuseeya Gobolka baaxadda iyo khayraadka badan ee casayrland.

Furitaankii shirka kadib waxaa khudbad dheer oo  dhinacyo badan taabanaysay soo jeediyayTaliyaha guud ciidamada Gobalka Casayrland G/S  Maxamed Xirsi Cumar Samatar oo ku dheeraday ariimo dhowra oo u baahan in wax laga qabto si deg-deg ah, taliyu waxa uu sheegay inuu ciidanka gobolku uu si fiican u shaqaynayo laakiin uu san haysan wax taageero ah, maxaa yeelay gobolku waa mid baaxad weyn una baahan in ciidanku ay ka hawlgalaan mid dagmo ilaa tuulo taasina ma suurta gali karto gaadiid la,aan baahida hada ugu weyn ee ciidankuna waa gaadiid la’aantaas.

Caluula Iyo Baargaal waxay ciidanku u baahanyihiin in laga dhiso xaga Tasiilaadka si ay horay ugu socdaan waxaanu ku shaqaynaa waa gaajo iyo dhib hadafkayaguna waa horumarka dalka iyo dadka mana ka doonayno waxkale ayuu yiri Col. Maxamed Xirsi Cumar.

Sidoo kale taliyuhu waxa uu mahad balaaran u soo jeediyay CYU oo uku tilmaamay inay yihiin muwaadiniin u taagan inay bulshadooda horumariyaan waxuuna yiri aniguna waxaan ahay xubin ka mid ah CYU waa inaynu gacmaha is qabsanaa si ay horumar buuxda u gaarno.

Taliyuhu waxa uu kaloo sheegay inuu halkan u yimid arrimaha sida wax looga qaban lahaa loona horumarinlahaa ciidanka waayo cid aynu waxka sugayno majiraan ee waa inaynu isku tashanaa si aynu isku filnaansho buuxda u gaarno.Wuxuu taliyihu ka codsaday dhalinta CYU in ay garab ka siiyaan sida uu u horimarin lahaa arimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Intaas ka dib waxaa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha CYU Somaliya Prof C/laahi Maxamuud Siciid (Cirro) oo mahad celin ballaaran u soo jeediayay Taliye Maxamed Xirsi, waxbixin kooban oo ku saabsan ururkana soo jeediyay sheegayna in taliyuhu u baahanyahay in taageero buuxda lala garab istaago.

Wuxuuna gudoomiyuhu balanqaaday in ay dhawaan aadayaan baargaal,laasasurad iyo caluula kana shaqayndoonaa arimaha uu ka codsaday taliyihu,wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in sababaha loo abuuray ururkan CYU uu yahay in uu horumariyo Gobalka casayrland.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu carrabka ku dhuftay arrimaha oo uu  sheegay in loo baahanyahay in arrintaas dardar gelin  iyo xoogle la siiyo magacaabista gobalkawaayo waxay muhiim u tahay istaraatiijiyadda Gobolka.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay G/K/X ururka Ururshe yaasiin oo isna sheegay in la taageero dhammaan ciidamada gobolka  iyo in lagu sameeyo ballaarin xoogle loona baahanyahay arintaas in dhakhso wax looga qabto.

Sidoo kale waxaa shirkan ka soo qaybgalay Nabadoonka da,da ee Casayrland Jimcaale Maxamuud Maxamed oo aad ugu riyaaqay dhalinta iyo taliskaba, sheegana in caqbadahaas iyo kwa kale oo jiraba layska kaashado dag-dagna wax looga qabto ayuu yiri nabadoonka Guud ee Casayr.

Ugu danbayntii kulankan ay yeeshaan xubnaahan ka tirsan Gobolka Casayrland ayaa ku soo gaba gaboobay jawi aad u wanaagsan.

Agaasimaha Guud Ee CYU

C/futaax Siciid Caynab (Barxa)

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s