Markab u rarnaa Shirkadda Muwaafaq ee Puntland oo la Afduubtay iyo Maamulka oo sheegay In xoog lagu soo furan doono.

Kooxo Burcad badeed Somaali ah ayaa Maanta afduubtay markab u Rarnaa ganacsato reer Puntland ah ,kaasi uu Siday shixnad aad u badan.

Markabkan ayaa lagu magacaabaa QSM Dubai ,Waxaana Marka la afduubanayay uu ku sii jeeday Xeebta degmada Bar,Bara ,isagoo ka soo Kicitmay Magaalada Dubai ee Imaaraatka Carabta.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Siciid Maxamed Raage oo warbaahinta kula hadlay dekada Bosaaso ayaa sheegay in Markabka uu siday Sonkor aad u fara badan,isla markaana La afduubtay saaka aroortii hore.

Waxaa kaloo uu wasiirka sheegay in Markabka uu si gaar ah ugu rarnaa Shirkada Muwaafaq oo xarumo badan ku leh Puntland ,Waxaana uu intaa ku daray in Ciidamada Nato ee ku sugan xeebaha Puntland ay soo Sheegeen Afduubkaasi.

Wakiilka Shirkada Muwaafaq ee Bosaaso Abuu Raas ayaaa Burcad badeeda ugu baaqay in ay Markabka ku sii dayaan sharuud la,aan ,Waxaana uu Tilmaamay in hanti badan ay Dul saarantahay Markabkaasi.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Badda ee puntland ayaa bilaabay diyaar garow ku aadan in si xoog ah lagu soo furto markabkaasi ,Maadaama laga leeyahay Puntland.

Ugu danbayntii Maamulka Shirkada Muwaafaq ee Bosaaso ayaa ku tilmiaamay afduubkan in uu yahay Mid lagu hagardaamaynayo Ganacsiga Shirkada Muwaafaqa,Xilli ay Socdaan dadaalo ku aadan Sidii xoog loogu soo furan lahaa.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s