Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id u qabtay Saxaafadda ayaa sheegay inay joojiyeen xiriirkii kala dhexeeyay Telefishinka Universal ee ku hadla Afka Soomaaiga.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id u qabtay Saxaafadda ayaa sheegay inay joojiyeen xiriirkii kala dhexeeyay Telefishinka Universal ee ku hadla Afka Soomaaiga.

Sheekh Cali Dheere ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in xafiiskooda warfaafinta uu go’aan ka qaatay Telefishinka Universal markii uu xalay warkaas sii daayay, isagoo sheegay inuu u bareeray Aflagaadeynta Nebi Muxamed (NNKH).

“Telefishinka Universal waxaa warkii xalay 11:00-habeenimo ka baxay lagu sii daayay kartoonno lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed (NNKH), waxaana taas ay qayb ka tahay dagaalka lagu hayo diinta Islaamka” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu sheegay in go’aan ay ka qaateen Universal Tv uu socon doono illaa ay kala imaanayaan Towbo wanaagsan, isla markaasna ay ka qiranayaan dambiga weyn ee ay galeen.

“Culummada Islaamka waa isku raacsan tahay in haddii la caayo Nebi Muxamed (NNKH) looga baxayo diinta Islaamka” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay inay ugu baaqayaan shacabka Islaamka ah inay aragti gaar ah ka qaataan Telefishinka ayna Mujaahidiintu ka digtoonaadaan wararka uu baahinayo.

Wuxuu sheegay in go’aano kale oo ay ka qaataan ay la sugi doonaan sida ay u dhaqmaan, iyadoo kartoonnada uu sii daayay Telefishinka Universal lagu daabacay wargeyso kasoo baxa dalka Koonfur Afrika.

Telefishinka Universal oo ay xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska ayaa ku leh xarumo dhowr ah dalka Soomaaliya, kuwaasoo laga baahiyo wararka ka baxa, inkastoo maamulkooda aysan weli ka hadlin go’aanka kasoo baxay Xarrakatul Shabaab.
allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s