Maydadka Wiilal dhallinyaro ah oo saakay lagu arkay Degmada Wadajir ee Gobolka Baanadir

Maydadka laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa laga helay saakay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan la garanayn cidda dishay iyo sababta loo dilay.

Dhallinyarada la dilay ayaa waxaa jirkooda ka muuqday rasaas, iyadoo mid ka mid ah la gartay halka midka kalena la garan waayay, waxaana maydadkooda ay yaaleen agagaarka Siligii hore ee Mareykanka.

“Intii aan maydadka la arkin waxaa lagu arkay dhiig badan, markii la raacay waxaa loo tagay maydadka dhallinyaradan oo ay xabbado ku yaallaan, lana dhigay luuq yar oo aan la marin” ayuu yiri goobjooge arkay maydadka dhallinyaradan.

Ma jirto cid sheegatay dilka dhallinyarada, sababta loo dilay iyo weliba ciddii ay ka tirsanaayeen, waxaana la sheegay in midka la gartay uu ka tirsanaa dhalinyarada dagan xaafado ku dhow Isbitaalka Banaadir.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caado ka noqotay in lagu arko xaafadaha maydadka dad la dilay oo dhallinyaro u badan, kuwaasoo aan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dilkooda ka dambeysa.

Degmada Wadajira ayaa maalin ka hor ka dhacay Qarax sababay dhimashada ugu yaraan 3-askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda, halka ay ku dhaawaacmeen laba iyo toban qof oo isugu jiray rayid iyo askar.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s