Qabashada araajida musharixiinta Guddoonka Barlamaanka oo dib loo dhigay iyo rag cusub oo is sharaxay

Guddiga Doorashoyinka ee Golaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa kordhiyay wakhtigii qabashada Araajida Musharrixiinta u tartameysa Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Kadib Kulan ay isugu yimaadeen Xubnaha Guddigaasi  oo  Maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya islamarkaasna uu Shir guddoominayay Gudoomiyaha KMG-ka Baarlamaanka  Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa gebogebadii Kulankaasi lagu Go’aamiyay in Muddo hal Maalin ah loo kordhiyo wakhtiga qabashada Araajida Musharrixiinta u tartameysa Xilalka Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Xaaji Shukri Sheekh Axmed  oo markii uu soo dhamaaday Kulankaasi kadib la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka uu go’aansaday inuu Mudo hal maalin ah ku daro wakhtigii qabashada Araajida Musharrixiinta oo ku ekeyd Maanta oo isniin ah, kadib markii qaar kamid ah Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka ay Guddigu ka codsaday in ay dib u soo saxaan Codsiyadooda.

Guddoomiyaha KMG-ka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in Xubnaha isu soo taagay inay u tartamaan qabashada Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay gaarayaan 5-Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo kala ah;-

1. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

2. Shariif Xasan Sheekh Aaden

3. Axmed Cabdullaahi Xuseen (Fanax)

4. Cabdi xaashi cabdullaahi

5. Cabdi Kaafi Macallin Xasan

Sidoo kale Xubnaha isu soo sharaxay Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa ah 8-Xubnood  oo kala ah;-

1. Cabdulfataax Ibraahim Rashiid

2. Xasan Xaashi Warsame (Xiis)

3. Caamir Axmed Maxamed (Shakeeti)

4. Khadiijo Maxamed Diiriye

5. C/weli Sheekh Muudey

6. Muqtaar Maxamed Yuusuf

7. Cabdullaahi xaaji  Cusmaan ducaale

8. Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen

Iyadoo  dhinaca kalena ay Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha baarlamaanka ay isu soo taageen 10-Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kala ah;-

1. Maryan Sheekh Cusmaan

2. Zuleymaan Maxamed Ibraahim

3. Cusmaan Cilmi Boqorre

4. Cabdullaahi Abyan Nuur

5. Axmed Dhimbil Rooble

6. Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko)

7. Cabdi Axmed Xaaji Faarax

8. Mahad Cabdalla cawad

9. Cumar Buraale Axmed

10. Aamina Cumar jaamac.

Guddoomiyaha KMG-ka ee Baarlamaanka ahna Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaaji Shukri Sh. Axmed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay u qabsoomaan Doorashooyinkii loo xilsaaray Gudigaasi, isagoo tilmaamay inay Maalmaha soo socda iclaamin doonaan Waqtiga la qabanayo Doorashooyinka Guddoonka cusub ee uu yeelanayo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s