Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo qul qulaya gudaha Buuhoodle G/Ceyn

ararka ka imanaya magaalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn ayaa sheegaya in halkaasi ay saaka ilaa xalay ay ku soo qul qulayeen ciidamo Itoobiyaan oo iyagu ku hubeysan gaadiidka dagaalka .

Buuhoodle ciidankan ayaan la aqoon sababta dhabta ah ee ay ugu soo qul qulayaan gudaha magaalada inkastoo ay jiraan xiisado horay u taagnaa oo ka dhashay dagaal maalmo ka hor gudaha Buuhoodle ku dhexmaray ciidamada Itoobiyaanka ah iyo qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee Buuhoodle.

Magaalada Buuhoodle ayaa iyagu haawaneysa iyadoo dadkii ku dhaqnaa ay isaga carareen ka dib markii ay ciidankani soo galeen gudaha degmadaasi iyagoo u cararay deegaano duleedka kaga beegan Buuhoodle.

Sida wararkii ugu dambeeyay ee Buuhoodle ka soobaxa ay ku waramayaan ciidamada itoobiya iyo qaar ka mid ah waxgaradka gobolka ayaa yeelanaya kulamo kala gooni gooni ah oo sida la rumeysanyahay loogaga hadlayo arimaha dagaaladii maalmo ka hor ka dhacay degmadaas.

Ugu dambeyntii imaatinka ciidamadan Itoobiyaanka ah ee Buuhoodle ayaa waxaa ay ka dambeeyeen xili maalmo ka hor uu Buuhoodle ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay ciidamadan Itoobiyaanka ah iyo dadka reer Buuhoodle kaas oo sababay khasaarooyn dhimasho iyo dhaawac farabadan.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s