Roobab Khasaaro geystay oo Ka Da’ay degaano Ka tirsan gobolka casayrland

Roobabkaani ayaa waxaa ay ka da’een qaybo ka mid ah degaano hoos yimaada degmada caluula ee xarunta gobolka casayr  waxaana ay geysteen khasaarooyin.
Degmada Caluula oo ku taala badda cas iyo weliba degaano kale oo hoos yimaada ayaa waxaa ay ka da’een roobab geystay khasaaro taas oo sababtay in ay dumaan guryo ku yaallay halkaas.
Taliyaha Booliska Caluula Maxamed Xirsi Cumar oo u waramaayay wepka all casayr.com  ayaa sheegay in ilaa 20-guri ay ku dumeen roobabkaasi, waxaana aan jirin khasaaro kale oo ka dhashey balse ay jiraan dad ku dhaawacmay guryahaas dumay.
Wuxuuna hadalkiisa ku daray in degmada Caluula ay qarka u saarantahay in ay ka dilaacan cudurada halista ah oo inta badan dilaaca xilliyada roobabka.
Roobabkaan ka da’ay degmada Caluula iyo degaanada kale ee hoos yimaada ayaa imaanaya xilli maalmihi lasoo dhaafay  uu markab u degay  xeebta magaalada caluula iyada oo ay arintaas ay ka hadleen ciidamada nato ee sheegta inay ilaaliyaan xeebaha soomaaliya si ay uga hortagaan hawgalada burcad badeeda ayaa  iyagu digniino u jeediyey  dadka ku dhaqan degmooyinka Xaafuun iyo Caluula taas oo ku sabsan in ay ka digtoonadaan dabaylo xoogan oo goobahaas kusoo fool leh.

eng abdalla mohamed mohamuud
dorogbo5@hotmail.com
all casayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s