Askar ka tirsan Amisom oo ku geeriyoday Qarax lagula eegtay Muqdisho

Qaraxani oo ahaa noociisa miinada goobaha fog fog laga hago ayaa barqadii maanta lala eegtay ciidamo ka tirsan Midowga Africa ee Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho Caasimada Dalka xili ay marayeen meel u dhow dekeda magaalada Muqdisho Xaafada Xamar jajab.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaas ciidamada Ayaa ay ku qaraxday miinada xili ay ku guda jireen howlgalo miino baaris ah oo ay ku wadeen wadooyinka gala degkeda weyn ee Muqdisho.

Inta la ogyahay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Amisom ayaa ku geeriyooday qaraxaasi halka mid kalena uu ka soo gaaray dhaawac sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay oo goob joog ahaa markii uu falku dhacayay.

Markii uu dhacay qaraxa ka dib ayaa waxaa bilaabatay dhawaqa rasaas si daran doori ah u dhaceysa oo ay fureen ciidanka Amisom lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ay geysatay rasaastaasi .

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta ayaa iyana sheegayay in ciidamada Amisom ay saaka ku kaleheen dekeda Muqdisho ka dib markii la sheegay in halkaasi uu habeenkii xalay ahaa uu uga soo degay hub.

Lama oga ilaa iyo hada cida sida dhabta ah uga dambeysa qaraxaasi loo geystay ciidamada Amisom, mana jiraan sidoo kale wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Amisom .

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s